Yagleel faahfaahin iyo falanqey kooban
Sheeko- Faneed ku dhisan
tusmeen iyo malo awaal ummadi u aayi lahayd.
Guuleed waa hoggaamiyaha
sheeko-Tusmeedda Yagleel, waa mufakar iyo hal abuur dhallinyaro ah. Waxa uu ku
foogganyahay aas'aasidda bulsho ka duwan tan uu ka dhashay. Ma sahlana in qof
dhallinyaro ah maankiisa ka keensado hab-hoggaamin ka duwan tan bulshadiisa iyo
dunidaba, waxaase taas ka adag inuu fuliyo. Caqabaddu waa isha hal abuurka e,
Guuleed waxaa biritaaray, fakarka iyo halgankana ku dhaliyay caqabadda hor mar
la'aaneed ee dalkiisa ka jirto.
Far kaliya fool ma
dhaqdee, Guuleed waxa uu ka garab helay dhallinyaro ku mabda' ah, waxna isla
fahmi karaan. Koox la magac baxday “YAGLEEL” ayeey dhisteen, waana halka magaca
buuggu ka yimid. Shuruuc iyo xeer nidaamiyayaal gaar ah ayeey dajisteen,
fulintoodana u hal adeegeen. Umadda Soomaalida iyo badiba Afrikaanta ayaa lagu
yaqaanaa inay hoggaanka ku wada dhagaane, Yagleel taa way iska ilaaliyeen. Ku
haboonaan mooyaane xil jacaylna daaway ka yeesheen.
Nidaam dowlad lagasoo
amaahday, dad dhaqan ahaan iyo diin ahaanna kaa duwan laga soo waariday hormar
lagu ma gaaro. Kooxda Yagleel ayaana abuurtay qaab dowli gaar ah, dalkoodana ku
habboon. Dal dagaalo, musuqmaasuq, qabyaalad, sad bursi iyo faquuq kaga haray
dunida in la hagaa wax sahlan maahan. Guuleed iyo asxaabtiisa waxay xoogga
saareen dhisidda ummad la jaan qaaddo dunida casriga ah, diiraddana saarto hormarka nolosha qaybeheeda kala
duwan.
Caqabado qof walba oo
dhaqaaq damco hor tuban iyo xalka ugu mudanba waad ku dhex arkaysaa Yagleel.
Waxaad gudihiisa ugu tagaysaa go'aamo haddii Soomaalidu qaadato, wax uun ka
badali lahaa jahwareerkeeda. Tilaabooyinka ay Yagleel qaadeen badi waxaa dhinac
yaal caqabaddii iyo xalkii looga gudbi lahaa. Tijaabadu waa guusha barkeed.
Yagleel maahan
sheeko-faneed oo kaliya, ee waa buug caqliyeed aan caadifad uun ku dhisnayn.
Waxaanse u daynayaa akhristaha ku xeeldheer falkinta sheeko-faneedda.
Faa'iidada buugguna waxay ku xirantahay qof walba iyo aqoonta uu u leeyahay
kala dhigidda Sheeko-faneedda iyo sida uu uga saaran karo casharada nololeed ee
ku jira.
Yagleel waa ka kooban 330
Bog hal sheeko ah, mawduuca uu ku qotomo se mudnaa in uu kasii bato. Tiro
labaatan qof ka badan ayaana doorar kala duwan qaadanayo. Waana mala awaal
sheekada buuggu (fiction story.)
Hal ku dhigga Yagleel waa
"Marti la maamulo intaad noqon lahayd, noqo madax la maamuuso!)
Madaxdu maahan siyaasi oo
kaliya ee qof walba qayb ka noqdo ayaaha ummaddiis, sababna u noqdo dhismaha
noloshiisa iyo mustaqbalka kuwa danbe waa madax aan marti cidna kaga noqon
nolosha iyo waaqaca bulshadiisu ku sugnayd.
Yagleel wuxuu daaran
yahay kacdoon bulsho oo ka duwan kacdoonada Soomaalidu taqaan! Waa kacdoon ka
guntamaya dhibaatada jirta, xalka dhibaataduna ay tahay hab-hoggaamineed oo
laga soo dhirindhiriyey dhaqanka hoggaamineed ee Soomaalida.
Ustaad Naima Ali Hassan

0 Comments