Facts relevant only in determined circumstances
(Arimaha relevant ka ah
kaliya xaalado gaar ah)
Arimaha qaarkood iyagoo
irrelevant ah ayey relevant noqdaan daruufo gaar ah markay imadaan. Sidaa
daraadeed waxaa loo aqoonsanayaa relevant marka;
Waa kuwo aan la jaanaqaadi Karin xaqiiqada
jirta ama xaqiiqooyinka laxiriira;
1. Kali
ama wada jir ay lasocdaan xaqiiqooyin kale oo la xiriiro, waxay bixinayaan
suurtagalnimo ama wax lama-huraan u ah jiritaanka fal-celinta doodu ku
saabsantahay ama xaqiiqooyinka laxiriiro.
Example, Ali ayaa waxaa
lagu eedeeyey in uu dembi ku galay Muqdisho hameynkii sabtida.
Cumar yaa cadeeyey arin
ah in Ali uu joogay Hargeysa hameynkii jimcada. Labo nin oo Police ah ayaa
waxay soo cadeeyeen inay Cumar ku arkeen
Muqdisho galabkii jimcada, arintaasi manoqon karto mid relevant ah,
laakiin arintaan maadaama ay ka xiriirto arin kale oo relevant ah saas ayey ku
noqonaysaa relevant. (In Cumar uu joogay Hargeysa hameynkii jimcada ka horeeyey
waa relevant)
2. Inay
cadeynayso (demonstrates)
a) Psycho-state-
dhimir ahaan oo ah mid rabitaan aqooneed cadeynayo sida (qalbi-samo, dayacaad,
wanaag ama tilaabo qalad ah (bad act} waxyaabahaas oo dhamaan waa phycho-state
b) Physical state or
physical sensation- Arinta markay ku
saabsantahay dhimir ahaan ama jismi ahaan ama dareen ahaan waxay keenaysaa arin
relevant ah oo qofku kii uu doono ayuu ku cadeyn karaa.
Tusaale, Ali waxaa lagu
eedeeyey inuu si ula kac ah u aflagaadiiyey Xasan. Waxaa lacadeyn karaa in
isbuucii hore xasan uu isku dayey inuu booqdo Ali gurigiisa, laakiin Ali waa uu
diiday inuu ku soo dhaweeyo gurigiisa. Maxkamadu way u qaadan kartaa inay tahay
mid muhiim u ah cadeynta (relevant), maadaama ay gudbinayso in Ali habdhaqan
wagaansaneyn uu kula dhaqmay Xasan.
Presumption of the
declaration of the accuser
Uqaashada eedaysanaha
cadeyntiisa waa su’aalaha ka dhalanaayo system-kena waxayna u dhici karaan labo
wado;
a) Police-ka
hortiisa markii ay baaraayaan eedeysanaha (In front of the police during
investigation)
b) Garsooraha
hortiisa oo garsooraha marka la horgeeyo isaguna su’aalo ayuu waydiinayaa wuuna
ogaanayaa waxa lagu haysto.
Xaqiiqdii ha ahaato
arintu police ama garsoore waxuu waydiin karaa su’aalo fara badan garsooraha
ugu dambeeyana waxuu leeyahay xaq ah inuu go’aan kama dambeys ah kasoo saaro ee
la xiriirto arinta doodu ka taagan tahay ee eedaysanaha ka dhan ah marka loo
eego qodobka 24/3 ppc. Cadeyn kasta oo uu eedaysanuhu uu ka bixiyo police-ka
hortiisa wax sharci ah malahan oo wuu inkiri karaa isagoo u sababaynaya in la
qasbay. (( yacni hadii eedaysanaha uu iqtiyaarkiisa u bixiyo cadeymo hadii la
horkeeno cadeymihii laga qoray maxkamada horteeda wuu ku raaci karaa ama inkiri
karaa hadii uu ku raaco waa laqaadanayaa hadii uu inkirana waxba lagama soo qaadaayo
sida uu qabo ART. 24/3))
Si kastaba ha ahaatee
hadii eedaysanuhu uu ka qirto police-ka hortiisa isla markaasna uu cadeeyo
goobta qalabkii uu wax ku dilay ay yaaliin oo uu socodsiiyo dambigii waxaa loo
qaadan karaa cadeyn qaybtaas la xiriirto cadeynta shaygaas. Xitaa hadii
cadeytaas aysan noqonaynin qiraal waa waxba kama jiraan qiraalna maahan sida uu
qabo qodobka (152 ppc).
Waxaa xeerkaas ka baxsan art. 24/3 maxkamada badbaadada oo xeer
ilaaliyaha maxkamada badbaadada hadaa ka hor qirato waxay la mid tahay adigoo
garosoore ka hor qirtay oo kale wuuna soconayaa qiraalkaasi mana inkiri kartid
system-kaasna waaa la baabi’iyey.
Qodobka 68 ppc, waxa uu leeyahay hadii cadeynta
saldhiga loo qaato cadeyn rasmi ah waxaa meesha ka baxayso cadaaladii, oo waa
in qofka lagu qaado wixii uu ka cadeeyey maxkamada horteeda. Waa in qiraakiisii
oo qoran laga hor aqriyo garsooraha oo garsooraha iyo eedaysanuhuba ay
saxiixaan kaas ayaa loo qaadan karaa qiraal oo kaliya, sida uu qabo qodobka 68 xcs.
Qaybaha kala duwan ee qiraalada
uu sharcigu sheegay waxaa ka mid ah;
a) Confesion
- qiraal
b) Declaration
of guilty- cadeyn inuu dambigii galay
c) Admission-
qirasho (magashay “haa waa galay”)
d) Burden
of proof- culeyska cadeyta saaran (hadii uu qiran waayo cadeynta loo
baahanyahay)
The confession
Confession waxa uu ansax
ku noqon karaa in qiraalka eedaysanaha la qoro ka dibna uu saxiixo isaga iyo
garsooraha saas ayuuna ansax ku noqon karaa.
Qodobka 149 ppc, wuxuu leeyahay qiraalku waa
inuu yahay qoraal ama hadal uu soo jeediyo eedaysanaha isagoo raali ka ah inuu
dambiga galay waxaa loo qaadanayaa cadeyn ahaan inuu dembiga galay
Qiraalku suu u noqdo mid ansax
oo loo qaadan karo cadeyn ahaan dacwooyinka ciqaabta waa inuu ka jawaabaa
waxyaabaha loo baahanyahay;
1.
Qiraalka waa inuu qoraa
guud ahaan garsooraha.
2.
Waa inuu u aqriyaa
garsooruhu qofka eedaysanaha ah qiraalkiisii la qoray.
3.
Waa in ay saxiixaan
eedaysanaha iyo garsooraha
4.
Waa inuu cadeeyaa
garsooruhu inuu sidii waafaqsaneyd sharciga uu mariyey.
Sidaan ka fahmayno
qodobka 68 ppc, qiraalka kaliya ee
ku xusan xeerkeena waa art. 10 ee
xeerka law n. 8 ee soo baxay 26-1-1970, kaasoo sheegaayo in
maxkamada badbaaday ay u aqoonsan tahay mid sax ah qiraalka loo sameeyo si aan
waa faqsaneyn qodobka 68 xcs, kaasi oo aan laga aqoonsaneyn maxkamadaha
caadigaa.
The Declaration of guilty
Saldhiga qirashada
dembiga waa qodobada 103 and 104 ee xeerka ciqaabta.
Marka madaxweynaha
maxkamada uu eedaysanaha kala doodo arin asaga loo haysto, mid ka mid ah
jawaabaha macquulka ah ee ka dhalan karo eedaysanaha waa (declaration of
guilty), taasoo aan aheyn aqoonsi gaar ah in uu si cad u galay arintaan loo
haysto isaga iyo inuu yeesho masuuliyadii ka dhalatay.
Qeexitaankaan ka dib
maxkamadu isla markiiba sida uu qabo qodobka 108 waxay ku dhawaaqi kartaa
xukun, hadii dambigu uusan keenayn ciqaab ka badan 10 sano ama haday ka
waynthay si kale ayuu go’aan u gaarayaa.
Maxkamada dacwda wado
maku dhawaaqi karto isla markaas go’aanka lagu saleynayo eedaysanaha
qiraalkiisa marka ay jiraan waxyaabahan soo socdo;
1. Mar
hadii dambiga uu sharcigu ku qeexaayo ciqaab aan ka yareyn 10 sano ama wax
kabadan.
2. Markii
ay jirto sabab loo qaadan karo in cadeyntaas ah inuu dembiga galay, loo arkay
inaysan waafaqsaneyn runta iyana lama qaadan karo.
Cadeynta eedaysanaha ee
ah inuu dembiga galay wuu ka laaban karaa eedaysanuhu iyadoo wax sharuud waqti
ah lagu xireynin ilaa darajada koobaad inta la joogo ka hor inta uusan soo
bixin xukun.
Cadeyntii dembiga
eedaysanaha inuu galay waxay u ekaan kartaa qiraalka maxaa yeelay cadeynta
dembiga inuu galay (declaration of guilty) iyo qiraalka (confession) waxaa
duluc u ah aqoonsiga masuuliyada ka dhalanayso arinta la isku haysto oo ah mid
ka dhalatay falka ama fal reebka uu sameeyey.
Laakiin way ku kala
duwanyihiin qaabka iyo awooda ay wax ku cadeynayaan waayo qiraalka (confession)
waxaa lasameyn karaa maxkamada inta aan lagalin ka hor halka cadeynta dembiga
(declaration of guilty) lasameyn karo kaliya inta ay doodu socoto.
Laakiin marka la eego
awooda ay wax ku cadeynayaan, qiraalku marmarka qaar waxa ay u baahanayaa
cadeyn dheeraad ah oo ugu yaraan lagu xoojinaayo, waana inay soo raacdaa cadeyn
ah dembiga inuu galay, halka declaration of
guilty waxa uu meel mari karaa durbadiiba cadeyn kale iyadoon laraadin ee
eedaysanaha laxiriirto, marka laga reebo waxyaabaha uu sharcigu si cad u
reebay.
The admission
Admission,
confession iyo declaration of the guilty
way kala duwanyihiin, oo confession waxaa
waaye qiraal, hadii uu cadeeyo ninku inuu dambi galay waa declaration. Afar waxyaalood ayaa wax lagu qirtaa (confession, declaration
of guilty, admission and Burdon of
prove)
Admission
waxuu noqon karaa oral iyo written oo eedaysanuhu sameeyo oo hadhoowdii loo
qaadan karo cadeyn isaga lid ku ah, ee dood muhiima ka taagantayay haduu saa u
qirto. Tusaale hadii ladhaho ninkan toori maku dhufatay haduu haa dhaho wa
admission, oo isaga ayey lid ku noqonaysaa hadhoow, sida daraadeed admission
waxa uu udhowyahay kii qiraalka (confession), laakiin qofkii si taxadar leh u
daraaseeya labadaan articles 147 iyo
148 ppc, wuxuu ogaan doonaa in
nuxurka iyo qaabka ay ku kala duwanyihiin labadaan qaab (admission and
confession)
confession
maahan nooc kamid ah admission, sidaas
daraadeed waxaan oron karnaa qiraalada (confession) dhamaantood waxay qayb ka
noqon karaan admission, laakiin maahan dhamaan
(admission) in ay qayb ka noqon karaan (confession) maxaa yeelay
admission waxaa la tixgalinayaa mabda’a
wax ku oolka ah (principle of presumption)
taasi oo aan laga helaynin
confession-ka, eedaysanuhu waa inuu tixgaliyaa in si toos ah uu
dembigaas u galay oo u bahan in laga soo saaro in eedaysanuhu uu dembigaas
galay.
Tusaale, hadii Axmed lagu
soo eedeeyo in uu qori ku dilay ruux, oo uu qirto inuu galay dembigaas.
Waxaan dhihi karnaa dembigaas waa la
qirtay laaliin hadii Axmed uu shaaciyo in qorigaaas wax lagu dilay uu isagu
leeyhay waxaan haysanaa (admission)
maxaa yeelay shaacintaasi (declaration) garsooruhu wuxuu u qaadanayaa
dhacdo ama xaqiiqo (facts) lid ku ah eedaysanaha, maadaama uu qoriga isagu
leeyahay.
Si kale hadii loo qeexo axmed cadeyntiisa
waxaa loo qaadan karaa kaliya dhacdo eedayn mulkiyada qoriga ee Cali lagu dilay
inuu isagu leeyahay, waa (fact) uu isagu keenay kuma filna in dembigaas uu
galay lagu cadeeyo.
Waxa ay ku kala duwan yihiin admission iyo confession
waa in admission uu ku siinaayo saameyn aad
u yar marka loo eego kuwa kale cadeyn ahaan.

0 Comments