The testimonial capacity and its limits
(Awooda
Marqaatiga and xaduudiisa)
Mabadi’da
guud ee xaqiiqo raadinta iyo culeyska saaran marqaatiga inuu marqaati furo waa
uu awooda ama qaadi karaa ujeedadii laga leeyahay waxuu ku sheegay xeer
dajinteena inuu aqoonsan karo qof kasta xitaa ha yaraado ama mid dhiman ha aado
ama mid waalan ha ahaado inuu marqaati furo.
Mabda’a
guud ee ah in qofkasta uu marqaati furi karo waxay ku cadahay (Somali penal
procedure) qodobka 80 ppc kaasi oo oranaayo “qofkasta waxa uu leeyahay awood uu
ku marqaati furo, inta aan ka aheyn marka ay ka hor istaagto inuu fahmo
su’aalaha laga rabo inuu ka jawaabo ama inuu bixiyo jawaab macquul ah marka loo
eego da’diisa oo yar (under 14) ama jismi ahaan u jiranyahy (abnormal) ama
dhimirka uu la’yahay ”
Marka
laga fiiriyo sharcigaan xeerkiisa waxaa laga barankaraa si fudud inaysan jirin
sharci xadidaayo marqaati furka, xitaa qofka yar iyo qofka miskaxda la’ waa loo
yeeri karaa si ay u marqaati furaan hadii ay leeyihiin dabeecad iyo awood ay
wax ku fahmaan, taas micnaheedu waa in ay jismi ahaan iyo miskax ahaan ay
awoodaan inay fahmaan iyo inay bixiyaan jawaab macquul ah.
Habka
marqaati furka ee xeerka habka ciqaabka uma baahna da’ kooban ama xadidan,
waxay ku xirantahay garsooruhu inuu xaqiijiyo markasta isagoo raacayo
fahamkiisa shaqsiga ah, hadii da’da loo qaadankaro mid ah dabeecad ahaan
qofkaasi uusan marqaati furi Karin iyo in uu furi karo.
Kareebidaan
waxay ku xusantahay tixgalinta in maragu uu hoos tagaayo su’aalo waxaana loo
qaadanayaa mid raacaayo oo dabacsan dabeecad ahaan qofka marqaatiga u keensaday
taas oo ku hogaamin karto si fudud inuu ku raaco wixii uu meesha ka soo
jeediyey. ((yacani qofka marqaatiga loo keensday waxa uu noqon karaa mid lagula
soo heshiiyey loona soo meeriyey xogta si u jeedada uu rabo uu ugu fushado)).
Hadii
maragu uusan u muuqan mid ka hor imaanaayo runta laakiin uu si cadawad u hadlay
ama wax ka qarinaayo dhinacyada marqaati ahaan u keensaday, hadii uu ka muuqdo
fahan ah inuusan rabin cadeeyo qaybtaas runta ku saabsan ama xaqiiqada oo isaga
ka faaidaado, arintaan hore waxay maxkamadu amri kartaa in la ogolaado inuu
su’aalo keeni karo kaliya markii la helo su’aalo iyo jawaabo iska soo horjeedo,
micnaheedu waa inuu u rogo su’aalo guud ahaan qaabkii loo mari lahaa taas oo la
hor dhigayo marqatigaan qaabka uu u jawaabay kii ka horeeyey si loo beeniyo
marqatigiisa. ((yacni maadaama ay badan yihiin maraqatiyadu iyagaa la iska
horkeeni karaa si loo soosaaro kii been sheegaayo iyo meelaha ay isku
qilaafaan))
Marka
laga yimaado wixii aan kor kusoo xusnay su’aalaha hogaaminaayo marka la joogo
waydiinta guud oo ah in marqaatiga su’aalo lawaydiiyo ama dib u imtixaanida
waxaa lasameyn karaa kaliya su’aalihii meeshaas la keenay ama kuwa aan laga
doodin ama arimo kale oo maxkamadu horay u cadaysay si waafi ah.
Wajiga
labaad ee waydiinta waaa in marqaatiga la iska horkeeno oo ay sameynayaan
labada dhinac ee iska horjeedo, arinkaan u qaadashada ama u fahmida in maragu
uu yahay mid adadag oo cadaw ku ah dhinaca su’aalaha waydiiyey, lama qaadan
karo arintaasina wax jirana maahan sidaas daraadeed waxa uu sameyn karaa
waxkasta ama su’aalkasta oo mamnuuc aheyd su’aalihii guud markii la
isweydiinayey, marka lagu daro kal gacaylka uu u hayo ninka su’aalo waydiinayo
inuu ku hogaamiyo kii wax lawaydiinaayey inuu ku dhaco soo jeedintii dhinaca
kale su’aalaha uu sameeyo si uu u control kalsoonida uu isaga ka marqaati
furayo su’aaliha guud markii la iswaydiinayo.
Arintaan
marqaatiga waxaa la waydiin karaa arimo kale oo lacadeeyey markii su’aalihii
guud la iswaydiiyey ama warbixin ama cadeymo oo isla isaga uu si qoraal ah u
dhaafay ama la diwaan galiyey dhawaan qoraalkaas oo aan loo soo bandhigin si
loo ogolaado ama loo cadeeeyo ((yacni waxa ay is dhaafsanayaan dhinacyada inta
ay socoto su’aalaha waydiinta guud wixii uu qoray (verbal) kaaliyaha dib ayaa
loo waydiin karaa marqaatiga))
Si
kastaba ha ahaatee hadii loo baahdo in laga horyimaado oo beentiisa banaanka
lasoo dhigo marqaatiga iyadoo loo maraayo qoraalkii u usameyey waxa loo
bahanyahay in dib loo xasuusiyo (recall) qaybta qoraalka ku saabsan ee
ladoonaayo in la cadeeyo dhamaadka aqbal la’aanta ku saabsan marqaatiga. Art. 94 ppc. (( yacni marqaatiga waxaa
la waydiinkaraa wixii uu horay u marqaati furay hadii ay qoran yihiin in dib
loo su’aalo si loo arko meelaha uu ku qaldanayahay ama ka boodayo))
Marka
la iska horkeeno marqaatiga waxaa lasameyn karaa in su’aalo la waydiiyo si loo
hubiyo run sheegidiisa , xitaa markii uu ka jawaabayo su’aalaha marqaatigu waxa
uu gali karaa in dacwo ciqaabeed lagu qaado ama masuuliyad madani ah inuu
qaado. Art. 193194-195 ppc.((yacni
hadii uu dacwo ciqaab ah uu marqaati been ah ku furo waxa uu galaa dambi ah
marqaati beenaale, yaanba la maxkamadaynine hadii marqaati furkiisa ay ka
timaado qasaaro isagaa masuuliyadaas qaadaayo))
Qaybta
sedexaad ee marqaatiga ee ugu dambayso su’aalaha (exam) waxay ka kooban yihiin
wajiga dib u su’aalida (re-axam) taasoo dhinaca codsaday in laga soo qayb
galiyo dacwada marqaatiga, su’aalihii guud ayuu waydiinayaa kadib marku arko
su’aalihii labada dhinac ay is dhaafsanayeen ee iska soo hor jeeday ayaa dib
loogu badali karo in dib loo waydiiyo (contra- interrogatory- micnaheedu waa in
dhinac su’aalo lawaydiiyey ee uu ka jawaabay xaq waxa uu u leeyey in dhinaca
kalana su’aalo laga waydiiyo arinka. ((yacni iyagoo su’aalo is waydiiyey ayaa
su’aalo kale dib laga waydiin karaa)). *Interrogatory
waxaa sameeyo maxkamda contra-interrogatory waxaa sameeyo dhinaca kale*
Marka
laga yimaado waxaas, markii aan joogno dib u su’aalida marqaatiga ee ay raali
ka tahay maxkamadu in arimo kala duwan in laga waydiiyo dhinaca kasoo
horjeedana waxa uu xaq u leeyahay in wax kasoo horjeedo ee qilaafsan uu keeno
(contradict) isla arintaas, dib u su’aalidu waxa ay qayb ka tahay mabda’a
su’aalo waydiinta guud.
Wajiga
afraad marag furka waxaa su’aalaha toos u waydiinaayo maxkamada. Xeerkeena
ciqaabta wuxuu sheegayaa fikrada dadka intiisa badan iskama indhotirikaraan
habka loo qeexaayo dacwada ciqaabta marka loo eego saldhig cadaaladeed waxaana
jira qodob Art.198 ppc kaas oo
oranaayo in maxkamadu ay soo dhexgalin
karto su’aalo dheeraad ah si wax loogu kabo dhameystir la’aanta
su’aalaha ay sameeyeen dhinacyada, sabab owgeed wuxuu soo jeedin karaa inuu
waydiiyo marqaatiga su’aal kasta oo uu u haysto lagama maarmaan ama ku haboon
dhamaan arimaha wax ku ool ka ah.
Xadidaada
kaliya ee u sharcigu saaray waa in ay mamnuuc tahay in lagu xad gudbo sirta
shaqada (i.e waa sarkaal nabad sugid sidee ku soo ogaatay arinkan lama dhihi
karo), sirta la xiriirto xafiiskiisa iyo arimo la xiriiro qoyska (i.e ninku
inuu xaaskiisa ku mar qaati furo laguma amri karo waa arimo qoys).
Marqaatiga
waxaa saaran waajib ah inuu ka jawaabo su’aalaha uu waydiiyo dhinaca kale iyo
su’aalaha ay maxkamadu ku amarto inuu ka jawaabo, dhinaca kalana waa uu ka hor
imaankaraa marag furkaas. ((yacni wixii maxkamadu amartay ama dabeecadu keentay
oo muhiim ah waa inuu ka jawaabo))

0 Comments