The testimony of experts
(Marqaatiga qabiirka)
Ninka marqaatiga inta
badan waxa uu ka sheekeeyaa sida uu wax u arkay ama uu umaqlay (waxaas ayaan
arkay ama waa la iisheegay ama meel dheer ayaa ayaa ka arkaayey oo cadku waa
isoo gaarayey oo hadba qaabka uu wax u maqlay ama u arkay ama uu u dareemay
ayuu ka marqaati kacayaa marka la horkeeyo maxkamadda marqaati ahaan) waxaa
taas ka duwan nin qabiir ah oo isna marqaati ahaan maxkamada la horgeynayo
ninkaan maahan nin marqaati ah oo goobjoob ahaa markii ay wax dhacayeen ama xog
ogaal ahaa ama arkayey ama maqlaayey ama dareemaayey oo wax uu kala socdo maleh
laakiin waa nin qabiir ah oo aragtidiisa la rabo in uu si cilmiyeysan oga
jawaabo.
Paragraphs-kii aan soo
dhaafnay waxaan kaga hadalnay marqaati waxa uu yahay. Marka marqaatiga waa in
laga duwaa ama laga soocaa qabiirka expert oo isaga laftirkiisu ah qof
sedexaad, oo ka sheekaynayo dacwada dhexdeeda dhacdooyin wax ku ool ah oo kiiska laxiriiro, labadoodana waxaa u
dhaxeeyo farqigaan;
1. Marqaatigu
waxu soo bandhigaa dhacdooyin halka qofka qabiirka
ah uu u qoraayo qoraal garsooraha (note-waxyaabaha si gaar ah aad oga
hadlaysid), waxyaabaha ka dhalan karo guud ahaan waqtiga lasameeyey marka loo
fiiriyo hab cilmiyeysan dhacdada.
2. Wax
qabadka ninka qabiirka ah waxaa lagu
soo koobi karaa guud ahaan baaritaanka, sida uu wax usoo indho indheeyey,
qiimeynta sida farsamahaan uu u soosameeyey iyo qaabka uu u soo bandhigo
ra’yigiisa, kaasoo matalaayo jawaabtii waxqabyadii uu sameeyey ka turjumaayo.
Halka marqaatigu uu matalaayo
cadeymo dhacdo uu isagu dareeyey ama maqlay oo uu ka jawaabi karo.(perceived-
wax isaga toos ugu dhacay oo aanan looga sheekeyn)
3. Kala
saarid kale ayaa ah halka marqaatigu
uu horayba uu u og yahay dhacdooyinkaas halkaas ka socdo, halka qabiirku waxa uu caawina garsooraha
markii loo dhiibo masuuliyad cad oo uu u dhiibo isla garsooruhu si uu u ogaado
arintaas.
4. Kala
saarid kale ayaa waxa ay ku saabsan tahay awood sharci uu san yeelan karo
awoodii qabiirnimo hadii uu ka yaryahy 18 sano. Majiro qodob cad oo gaar ah ee
arintaas la xiriirto oo dhahaayo (legal capacity) qof ka yar 18 sano ma noqon
karo laakiin iska cadahay in uusan laheyn legal capacity, laakiin maadaama ay qusayso dhacho taaso u haan waayo
aragnimo in laga hadlo legal capacity in uusan yeelaneyn qof ka yar 18 sano waa
mid loo baahan yahay qofku in uu joogo da’da biseylka ama qaan gaarka, ama waxa
uu ku suganyahay xaalad xukun maxkamadeed oo ah in miyirkiisu uusa kaamil aheyn
sidoo kale waxaan marqaati ahaan loo soo istaajin Karin qof safiir ah iyo
hay’adaha caalamiga sida WHO (diplomatic corps), ama miskaxda ayuu la’yahay
(mentally disorder), halka qofkasta uu leeyahay awood uu ku maraqaati furi
karo, mark laga reebo in ay ka hor istaagto qofka in uu fahmo su’aalaha uuna ka
bixiyo jaabo macquul ah (qof laga roone ah oo marka su’aal laweydiiyo aanan
fahmi Karin jawaab macquul ah aanan bixin Karin kaasi ma noqon karo marqaati
ama qabiil)
Isla qaabkaa sidoo kale
waxaa la qeexay lataliyaha farsamo
kaasoo qabanaayo aqoon farsamo oo uu keensaday qofka( private)-ka ah kaas oo
daneynayo latalin markasta si uu u gala taliyo waxa uu sheego qabiirku.
(maxkamaddu waxa ay magacowdaa lataliye farsamo ama sharci kaasoo maxkamaddu ay
u xilsaarto arimo gaar ah, si lamid ah qofka waxa uu keensan karaa lataliye
farsamo ama sharci, kaasoo waxa uu lataliyaha maxkamaddu sheego, kaga talo bixin kara qofka si uu u
fahamsiiyo, kaas oo dhahaayo saas ayuu ku saxan yahay, saana wuu ku qaldan
yahay, si hadhoow uu qofkani uu isaga difaaco lataliyahaan farsamo yaqaanka ah
)
Dhinaca kale xeerka habka
ciqaabka markuu isticmaalayo ereyga marqaati waxay leedahay u jeedo xeeldheer
ee sida kor lagu soo xusay fikir ahaan ka wayn taasoo lagu soo koobay maraqaatiga
nuxur ahaan uu ku jiro qabiirku expert iyo kuwa hasyto shey u loo baahanyahay
in maxkamadda cadeyn ahaan loo keeno waxa ay soo galaayaan marqaatiga.
Hadii aan tixgalino
arinta taasoo nidaamkeena uu ku
salehysan yahay qabiirka ama latalliyaha faarsamo wax kale maahane waa qaabab
lagu cadeeyo marqaatiga hadii sikale loo qeexana ninka marqaatiga waa lasugi
karaa si nabad ah, lataliyaha farsamo ama qabiirka waa nooc maqaati ah sidaa
daraaded xeerka lagu dheeqaaxay marqatiga ee keenida iyo qaadashada iyo isku
imxaanida qabiirkana waa lagu dabaqayaa. (sidii loo qaadanayey marag furka
marqaatiga su’aalaha loo waydiinayey ayaa qabiirkana loo waydiinayaa)
Intaas waxa ay ka timid
qodobo kala duwan oo xeerku qabo maxaa yeelay xeerka 161/6 ppc, waxa uu cadeynayaa in lagu soo daro marqaati ahaan ninka
qabiirka ah mana cadeyn sida uu xeerka talyaanigu uu u kala saaray marqaatiga
iyo qabiirka, taas waxa ay tahay micnaheeda dhinaca waxa uu soo maga caabi
karaa isagoon raaceynin qaab maxkamadeed ayuu keensan karaa marqaati
ahaan.
Qof kasta oo qabiir ah ee
loo soo tilmamay sida nin qabiir ah isaga waxa uu u yeeri karaa qofksta uu u
arko in uu ogyahay dhacdooyinka si uu oga talo bixiyo.
Marqaatiga iyo qabiirku
labo micno ayey kala leeyihiin; Marqaatigu
waxa uu sheegayaa wixii uu maqlay ama arkay ama loo sheegay iwm. Qabiirkuna waxa uu ka talo bixinayaa
wixii uu cilmi ama xog ogaal u yahay oo uu aqoon teeda leeyhay. Marka labaduba
waxa ay soo galayaan qaybta marqaatiga.
Kiiska labaad waxa uu ka
hadlayaa markii nuxur ahaan laga hadlaayo qaadashada cadeymaha marqaati furka
sida uu qabo qodobka 184/1(d)
“cadeynta marqaati furka waa inay ahaa taa toos, micnahedu waa markii ay ku
saabsanthay fikrad ama sababta loo keenay in uu difaaco isla qofkaas waa inuu
bixiyaa qofkii fikradaas keenay ama ku soo daray asbaabahaas. Markale fiiri
qodobka 189/1(E) ppc. Inta marqaati
furka lagu jiro marqaatigu waxa uu awoodaa ogolaanshaha maxkamadda markii
lahelo in uu soo xasuustaa ama dib u celiyaa xasuustiisa arimo horay loo
su’aalay isagoo aqrinaayo qoraaladii heshiiska ahaa hadii marqaatigu yahay mid
ah qabiir ama lataliye sharci “arimaha aan kor kusoo xusnay waxaa cad sida
caadiga ah majiro farqi u dhaxeeyo marqaatiga cadiga ah iyo marqaatiga kale
nuxur ahaan miisaanka lagu kal saari karo waa cadeynta iyo dhacdada uu rabo in
uu cadeeyo.
Mahadsanidiin

0 Comments