Ways of impeachment of the reliability of the testimony
Marqaatiga
waxaa ku waajib ah in uu ka jawaabo su’aalaha uu dhinaca kasoo horjeedo uu
waydiiyo ee laxiriira dacwada iyo tan ay maxkamadu ku amarto in uu ka
jawaabo.
Dhinaca
kasoo horjeedo qofka marqaatiga keenay iyo is afgaradka maxkamadda isla qofkaas
kiciyey wuxuu soo afjari karaa isku haleynta marqaatiga isaga oo muujinaya
beenta uu sheegay ee la xiriirta kiiska isagoo ku eedaynaya marqaati beenaale
waxaana loo aqoonsanaya dembi lagalay intii uu dhagaysiga maxkamdu socday art. 129 ppc).
Danuubta
ka dhexdhaco dacwadu inta ay socoato gudaheeda sida ku cad qodobka 129 ppc, maxkamadu horay go’aan ayey ka
gaaraysaa. Hadii aad aqriso qodobkaas waxa uu kuu sheegayaa masuuliyada uu
leeyahay marqaati beenaalaha.
Durida
kalsoonida marqaariga dhinaca waxuu
cadeyn karaa in maragaasi uu u
qalmin kalsoonida isagoo isticmalaayo marqaati kale ((yacni dhinaca kale waxa
uu ku duri karaa marqaatiga in uu keeno marqaati kale oo marqaati furo si la
isku barbar dhigo jawaabahooda si marqaatigaan in uu been sheegayo ay banaanka
usoo baxdo)).
Laakiin
waxay u baahan tahay in maraga la duro kalsoonidiisii, waxayna cadeynaysaa
xukun ku saabsan marag aan la isku haleyn
maragaasi ee ka yimid xaqiiqooyin
gaar ah iyo mid u baahan aqoon toos ah,
oo uusan ka shakinin kalsoonidii marqaatiga ee ah in uu runta ka marqaaati
furay.
In
la duro kalsoonida marqaatiga waxay noqon kartaa mid muhiim u ah cadeynta in
lagu kalsoonaado, marqaati furka uu marqaatigu ka marqaati furay meel kale waa
lagu qabsan karaa sida ku cad qodobka (194/2) cadeyn gaar ah ee keenayso in la
eedeeyo marqaatiga laguna eedeeyo marqaati fur beenaale iyo wax yaalaha kale ee
la xiriiro sida marqaati lagu waajibiyey in uu marqaati furo kadib markii
dhinaca ama qof sedexaad uu siiyey ama u balan qaaday lacag ama
hanti kale uuna aqbalay balan qaadkaas sida uu qabo qodobka (197/1 ppc) wuxuuna leeyahay hadii maraga uu ku marqaati furo balanqaad
laguma kalsoonaan karo marag furkiisa waana la duri karaa}
Si
loo qiimeeyo kalsoonida marqaatiga waxay ku xiran tahay garsooraha ka qaadayo marqaatiga in waxyaabo isku dhaf
ah oo marqatiyo ah uu ka helay inta ay socotay maxkamaddu.
Marka
laga yimaado waxyaabaha la xiriiro
marqatiga in la xiro oo lagu xiro marqaati beenaale, waa la xiri karaa waxuuna mutaysan karaa
ciqaab ah cadeymihii uu sameeyey waqtigii uu ka jawaabaayey su’aalo waydiinta,
waxaana laga arki karaa beentiisa jawaabaha uu bixiyey, sida uu qabo qodobka (205 ppc)
Waxyaabaha
la xiriiro cadeymaha socodsiintooda ee marqaatiga aan maxkamda hor imaankarin,
( sida qofka dhintay cadeymihii uu dhaafay waa laqaadan karaa)
Art. 184 wuxuu qeexaayaa cadeymaha marqaati
furka waa inay ahaataa si toos ah (direct) oo marqaatigu wixii uu arkay uu u
marqaati furo kaasi oo raacayo wixii uu hubo oo (uu arkay ama uu maqlay iwm).
Si lamid ah qodobkaasi waxa uu qeexayaa si qarsoodi ah in la ogolaan karo
cadeynta, habkeena marqaati fur kasta aan si toos ah loo sameynin waa la qaadan
karaa, si kale marka loo sheego waa in uu marqaati furo waxa uu ka maqlay dad
kale, sida “waxa aan maqlay dadka oo sidaas leh” ma ahan ninkii si toos ah u
soo arkay balse waxa uu cadeynayaa aragti dadban. Sida (waxa la dhahaayey
waxaan maqlayey iwm)
Wixii
cadeyn ah ka dhacay maxkamadda banaankeeda cadeyn ahaan looma qaadan karo
nidaamkeena (our system)
Dadka qaarkood waxay u arkaan in cadeyntaas
ayna keenayn kalsoonida runta ah, halka marqaatiga uu ku adkaysanayo in uu
sheego runta.
Qaarkalana waxay qabaan wax sheegida qof uu u sheegayo
qof kale waxay badalaysaa doodii, sidaas daraaded sheegida ugu dambeysa ee
doodo inta ay socotay waxay noqon karataa mid liidata oo aan lagu kalsoonaan
Karin.
Marka
loo eego afkaartaas in gudiga aan aqoonsaneyn tixgalinyaashas wuxuu siin karaa
aqoonsi xad gudub ah ama xad dhaaf ah, maqalka “hearse” marka la joogo common
law garsooruhu wuxuu ka saari karaa dooda. (lama aqbalayo cadeyn ahan waxaan maqlay iyo waxaa layiri).
Marka
loo fiiriyo fikradaha maanta inta badan la aqbalay, sidoo kale sharci
dejiyaheena ayaa {kasoo horjeedo waxa lasheegay (hearse) “rule against hearse”}
waxay ku qoranyihiin tixgalinta ah in ay tahay mid ka baxsan dooda,. Sidoo kale hadii qofka
lala’yahay ama laga shakiyo doodiisa.
Tani
kama mid noqon karto dooda la iska soo horjeedo (contra-interrogatory) ee
cadeynta waana qaabka ugu saxan ee run
sheegida (the rule against hearse)wuxuu keenayaa in la xaqiijiyo in dhinacyadu
ay su’aalo isdhaafsadaan ((yacni maka su’aalo la waydiiyo dhinacii la eedeeyey
waxa uu awooda in uu su’aalo isdhaafsi ah waydiiyo si uu u cadeeyo marqaatigaas
waxa uu sheegaayo in run tahay))
Qofkii
inta ay doodu socoto arin gaar ah ka hadla oo dad kale oga timid sidoo kale
aqriyo qoraal dad kale ay keeneen ma ahan in la waydiiyo su’aalo ah isdhaafsi
(cross-examination) ee dhinac lagu tuhmaayo qoraalkaas maadaama uu haysto
sugnaanta laf ahaantiisa iyo sida arinatas ay u dhacday. Laakii waxaa fa’iido
noqon karo in su’aalo isdhaafsi lawaydiiyo dhinacii soo qoray qoraalka si loo
helo sugnaanta laf ahaantiisa iyo sida arintaas ay u dhacday. Laakiin waxaa
faa’iido noqon karto in lawaydiiyo cadeynta in uu sidii ay wax u dhaceen uu si
dhab ah usheegay.
Sidaas
daraadeed fikrada ah ka dhan ah maqalka (rule against hearse) halka ay diidayso
ku dhawaaqida qofka sedexaad cadeynta uu bixiyey. Maadaama ay u jeedadu tahay
inuu bixiyo cadeynta dhacdada ee lasoo sheegay taas oo ka reebaynin isla qofka
isla ereyadaas. Maadaama ay ku saabsantahay arin kale iyo in si gaar ah u
cadeyso dhacdada.
Tusaale,
hadii Nur uu cadeyey in Ali uu arkay Ahmed ma weydiin karno su’aalo isdhaaf ah
ee ku saabsan dhab ahaanta cadeynta.
Laakiin
markii dooda taasoo uu eedaysane ka yahay qof dhibane ah, oo ah in Ahmed uu
ahaa ninkii dembiga tuugnimadaa galay, Ali waxa uu kusoo celin karaa cadeyntii
Nur, maadaama kusoo celintaas cadeynta ay tahay ula jeedadeedu kaliya inuu
cadeeyo arinta horay loo sheegay, Nur markaa waxa uu su’aalo isdhaaf ah waydiin
karaa Ali wixii ku saabsan sugnaashaha wixii ku saabsan isla arintaas.
Xeerka
laga ogolyahay nidaamkeena mabda’ ahaan xitaa hadii uusan jirin qodob si gaar u
sheegaayo wuxuu noqon karaa mid laga qaadanaayo nidaamkan isku jirkiisa, si
gaar ah waliba arinta cadeynayso doodo inta
ay socoto mid oraah ahaan (oral) sidaas daraadeed cadeymaha oraah ahaan
loo cadeyeey iyo kuwa qoraal ahaan loo cadeeyey dooda waqti ka baxsan lakeenay
waa kuwo aan laqaadan Karin ama waa kuwo
wax kama jiraan ah wax aan ka aheyn wax yar kuwo oo uu sharcigu sheegay. Marka
loo eego qodobada kala ah (155 iyo 104/3 ppc). Waxa ayna leeyihiin
cadaymaha oraah (oral) ahaan iyo qoraal ahaan uu u dhaafay qof dhintay ama qof
aan hada awoodi Karin in uu marqaati furo ama aanan suurto gal aheyn ama qof
aan imaan karin daahid la’aan (without delay) ama ay ku tahay waajib in dusha
saarto qarashka maxkamadaha ee uusan awoodin, waxaa loo aqrin karaa arintii ku
saabsaneyd dooda si loo keeno cadeynta dhacdooyinka.
a. Hadii kiiska laga dooday uu ku
saabsanyahay arin ah qof dhintay; hadii ay la xiriirto cadeyn uu sameeyey qof
dhintay ee la xiriirto dhimashadiisa.
b. Hadii ay ku saabsantahay cadeyn uu
sameeyey qof dhintay inta socotay dooda caadigaa ee arinta markaas taagan
qusayso;
1. (Registration) waxkasta oo horay loo qoray oo diwaanka logu qoray oo
markaas laxiriiro dacwada cadeyn waa loo qaadan karaa, ama (notes) cadeymo ku
qoran buugaagta, ama wax la duubay ee lakaydiyey cadeyn waa loo qaadan karaa.
2. (Receipt) qoraal ama wax uu qofku saxiixay
ee lacag ku saabsan ama wax kale oo faa’iido leh
3. (Document) kasta ee loo isticmaalay ganacsi
oo qoraal ah ama uu saxiixay isla qofkaas dhintay.
Taariikhda
warqada ku qoran ama document si caadi ah taariikh u leh ama qoraal ah ama uu
saxiixay waxyaabahaas oo dhan cadeyn waa loo qaadan karaa.
a. Hadii ay ku saabsan tahay cadeyn
lid ku ah maslaxada qofka sameeyey hantidiisa ama keeni karto ama u bandhigi
karto isla asaga dacwo ciqaabeed ama masuuliyad madani ah.
b. Hadii ay ku saabsan tahay fikrad
xeeldheereyaal oo ku qoran joornaal ama faafinta rasmiga ah ee marka ladoonaayo
in la iibsado cadeyn way noqon kartaa iyadoo lasoo bandhigayo cadeymahaas.
Waxaa
kasoo horjeedo mabda’a oraahda (oral) ama mamnuucida maqalka wixii ladhahaayey
waxaa muhiim ka dhigayo in laxaqiijiyo runta sidoo kale inuu ka soo muuqdo
dooda oo uu yimaado waxay cadeynaysaa caqabad ah awood kasareyso, laakiin
caqabadahaasi waa inay sameysaa cadeyn saameyn leh iyo cadeyn habka dacwadu u
socoto. ((yacni in uu ka soo muuqan waayo dooda maxkamada horteeda waxay
cadeynaysaa caqabay ka sareyso awoodiisa))
Kiis
kale oo ay muhiim tahay in laga soo qayb galiyo ama laga mid dhigo cadeymaha ee
dhacdooyin ku xusan cadeymaha ama marqaatiga aan imaanin maxkamada waa kan ku
xusan qodobka {156 ppc}, qodokaas oo hadii marqaatiga uu dhinto ama
aan laheli Karin ama uu noqday mid aan awoodin
in uu bixiyo marqaati furkii ama uusan awoodin in maxkamada uu yimaado
in uu soo daaho maahane (yacni meel fog ka imaanayo cml), ama qarashka
maxkamada uusan xamili Karin oo uu ku culusyahy waxaa la isticmaali karaa
dacwada cadeyntii uu horay marqaati u furay ama xaalad kale ama darajo kale
isla eedaysanahaas ku saabsan, dhinaca aan marqati keenin maxkamada waxuu helay
suurtagalnimada ah in su’aalo isdhaafsi lawaydiiyo dacwada bilowgeeda iyo
arinta ay doodu ku saabsan tahay markay
nuxur ahaan isku mid tahay.
Kiiskale
kaaso xeerkeenu uu u aqoonsan yahay mid loo isticmaalay intii ay dacwadu
socotay cadeyn ahaan waxaa laga helayaa qodobka (201 ppc). Wuxuna sheegayaa in dacwada loo isticmaali karo cadeymihi
uu horay u bixiyey.
Xeer
kaan wuxuu quseeyaa cadeymihii uu marqaatigu horay u bixiyey ee laxiriira
dhacdooyinka ay doodu ku socoto.
Sidaas
daraadeed wuxu kala saarayaa wixii horay u jiray inay waafaqsan yihiin ama
aysan waafaqsaneyn marqaatigii uu horay u sameeyey inta ay doodu socotay oo
isla arintaasina aysan la xiririn { wixii lasheegayey “rule against hearsy”}
qodobkaan wuxuu qeexayaa in dhinaca su’aalaha guud markuu wado su’aalo
waydiinta masameyn karo cadeyn ahaan wax uu horay u sameeyey markii laga
hadlaayey su’aalaha bilowga ahaa inta dacwadu socotay .
Sababta
looga reebay waa tixgalin latix galinaayo marqaati kasta oo ka qayb qaatay
dacwada socotay waxaa loo qaadanayaa mid lagu kalsoonaan karo hadii uusan
inkirin dhinaca kasoo horjeedo, waxaa loola jeeda dhinaca kasoo horjeedo in uu
dood ka keeno kalsoonida marqaatigaas, dhinaca keenay marqaatiga si kastaba
wuxuu cadeyn karaa in marqaatigaan uu horay u sameeyey oo uusan mid hada ah
aheyn.
Waxaan
kasoo hadalnay marqaatigu maraga uu furaayo waxyaabaha laga rabo iyo sida looga
kalsoonaan karo

0 Comments