Introduction to Penal procedure law
AFEEF
Asc walaalayaal waxa aan ka
afeefanayaa wax kasta oo faham-darro ah ee ka yimaado qoraalkaan, ma ahan cilmi
aan leeyahay waxa aan qoray ee waxa aan soo turjumay intii aan awooday
casharadii macalinka uu bixiyey.
Wixii qalad ah oo xagayga ka
dhacay cilmi ahaan iyo qoraal ahaanba waxa aan ahay benuaadam ee yaan la ii
qabanin ruux kasta haku darro wixii uu ka fahmay maadadan.
MAHADNAQ
Waxaan u mahadnaqayaa
ALLAH swt.
Marka xigto walaalahay iga
caawiyey in aan qormadaan wax badana ka gaystay;
Ahmed
Hussein Ahmed (Baargeel)
Abdulkadir
Abdi Ahmed (kanaale)
Mahadsanidiin
PENAL
PROCEDURE LAW
Introduction
Ereyga
procedure waxa uu ka soo askumay eray latin ah procedere oo macnahiisa yahay falkasta (act) iyo xaqiiqo kasta (fact)
iyo dhacdooyin (phenomona) midba
midka kale ku xiranyahay oo u jiheysan hadaf cayiman.
Falka,
xaqiiqooyinka iyo dhacdoyinka waxa lagu dhaqaa qodobo sharci ah oo marka la
fiiriyo hadafka laga leeyahay loo yaqaan xeer habaka ciqaabta iyo habab
dastuurka .
Qanuunka
ciqaabta wuxuu qadaa dhigayaa falalka (action)
iyo fal samayn la`anta (omission) la
mab nuucay oo hadii lagu kaco la mutaysan karo ciqaab iyo shuruudaha lagu
mutaysan karo ciqaab.
Qanuunka
habka ciqaabta waa awooda hirgalineysa qanuunka ciqaabta sababtoo ah waxa ay
timameysa shuruudaha lagu hubin karo faldanbiyeedka iyo kuwa fal danbiyeedka
sameyay.
Marka halka
laga firiyo qanuunka habka ciqabta waxa uu noqonaa mid kaligiis aan istaagi
karin, oo shaqadisu tahay sidii loo mel marin laha qanuunka ciqaabta. Sidaa
darteed qanuunka habka ciqaabta waxa uu u jiheysanyahay
➢ Hubinta fal danbiyeedka iyo meel marinta ciqaabta
➢ Hubinta khatar ku aahaanshaha bulshada iyo dabaqida
talaabo amni
➢ Hubinta masuuliyada madaniga ee ku xiran fal
danbiyeedka iyo meel marinta magdhowga ka dhasha faldanbiyeedka
➢ ➢ Fulinta go’aanada .
Dabeecada qanuunka habka ciqaabta
Inta anan
ka hadlin dabecada Xeerka habka ciqaabta
waa in an marka hore dib ugu noqonaa hormarka taariikheed ee qaanuunka
habka ciqaabta uu soo maray.
Guud ahaan caalamka waxa
lagu dhaqmi jiray labo nidaam oo iska soo horjeedo;
➢ Nidaamka eedeynta (Adversarial system or Accusatory
system)
➢ Nidaamka barista (inquissitory system)
Nidaamka eedeynta
➢ Eedeyta waxa soo jedinaya xubin ka duwan
garsooraha
➢ Dacwada dhageysigeeda waxa ay u furantahay dadka oo
dhan
➢ Xubinta wax soo edeynesa iyo edeysanaha ma kala
sareyan
➢ Garsoraha kama qayb qadanayo howlaha cadeen radinta
➢ Edeysanaha waxa uu leyahay xornimo ku meel gaar ah
ilaa ay dacwada ka dhamato
Nidaamka baarista
➢ Edeynta waxa samenaya garsooraha
➢ Dacwada waxa loo qada si qarsoodi ah
➢ Garsoraha wax edeynaya iyo edeynsanaha ma sina
➢ Garsooraha waxa uu awood u leyahay inu raadiyo
cadeymaha, edeysanaha looma ogalo inuu cadeyn keeno
➢ Edeysanaha waxa uu ku jiraa xabsi ku meel gaar ah
Marka
nidaamka xeerka habka ciqaabta soomaayeed waxa una noqonaa mid isku dhaf oo ka
koban labada nidam ee baarista iyo edeynta waxa uuna ubadanyahay nidaamka
edeynta
• Eedeyta waxa soo jedinaya xubin ka duwan
garsooraha
• Waxa uu aqoonsanyahay xaqa uu leyahay edeysanaha in uu
isdifaaco iyo inuu cadeemo keeno uu danbiga isaga difaaco
• Dacwada dhageysigeeda waxa ay u furantahay dadka oo
dhan
The
fundemental principles of the penal procedure in Somalia constitution
Habka
ciqaab laan ka mid ah qanuunka oo u nugul isbadalka siyaasada (political principles) waa falsafada ayku shaqeeso dacwada marka talada hayso 21 october1969 dowladii kacaaanka waxa
ay lashay dastuurki dalka waxa ayna soo sareen dastuur cusub oo ku dhaxjira
mabaadida aasaasiga ee qanuunka ciqaabta.
The presumption of innocent
Qofka waa
bari ila go`aan lagarayo danbiga maxkamada kama danbeesta ay u xukunto danbiga
sida uu qabo dastuurka federalka
somaliya qodobkisa 35 farqadiisa kowaad. Dacwada waxa ay noqoneysaa public
ilaa inay tahay mahee mid arin anshax sida uu qabo qodobada 73,115, XHC.
Qofna lama
xiri karo haduusan xukun ku dhicin, dembi uusan gelina laguma ciqaabi karo,
ciqaabta ku xusan qodobka uu ku eedeysan yahay ka badan laguma xukumi
karo. Waa in eedeysanaha loo helo cadeyn
ku filan si loogu xukumo eedeyntaasi.
Qofka la iskama dhihi karo
dembiile waxaa ku xiran labo shardi
➢ In uu dembi dhacay
➢ In eedaysanuhu uu galay.
Qofka hadii laxiro waa in uu
xirnaado waqti cayiman (term);
Ø Maxkamadda degmada (15 cisho)
Ø Maxkamadda gobolka (45 cisho hadii waqtiga baaristu uu
ku yaraado waxaa lagaar siin karaa 90 cisho)
Inta
process-ku socdo lama dhihi karo dambiile waa eedaysane, aan kala saarno
eedaysane iyo dembiile;
v Eedaysane: waa ruux lagu tuhunsan yahay in uu dembiga galay.
v Dambiile: waa ruux uu ku dhacay xukun.

0 Comments