THE
ACCUSER (OFFENDER)
Eedaysane
waa dhaqaajiyaha habka ciqaabta waana qofka ay ku taagan tahay. Edeysanaha waa
qof lagu soo eedeeyay fal danbiyeed walina aan danbiga lagu cadeen sida ku cad
qodobka 35 ee dastuurka federalka
somaliya.
Edeysanaha
waxa uu xaq u leyahay in aan la soo xirin waaran la’aan marka laga reebo
xalaado qaar oo sharciga qeexayo, sidoo kale xaqa dacwada inuu racfaan ka
qaadan karo iyo xuquuq badan aan la soo koobi karin.
Qofka
lama dhihi karo waa dambiile ilaa xukun kama dambeys ah ku dhaco sida uu qabo (Art. 43/2) Somali constitution 1962.
Ruuxa
eedaysanaha ah xiritaanka ka horeeyo baarista maahan ciqaab ee waa ciqaab ku
meel gaar ah (preventive arrest).
Qofka
asbaaba uu ku noqon karo eedaysane waxaa kuu sheegayo qodobada kala ah (1819-20-21 ppc).
Object- eedaysanuhu maahan object waxaa ah warqadda eedeynta, Subject- waxaa ah dhinaca ay dacwadu ku
socoto.
Parties- waa
dadka kasoo qayb galayo
Super-part- waa
garsooraha
Other private persons
Fal
danbiyeed waxa ka dhalan kara laba dhibaato oo mid ciqaab iyo mid madani ah oo
keni kara in lafuro laba dacwo. Dacwada ciqaabta oo socoto waxa laga dhax furi
karaa dacwad madani ah sida dhibanaha xaqiisa uu helo sida ay qabaan qodobada 207 X.H.M iyo 272 X.H.C.
Dacwada
ciqaabta waa asal halka dacwada madaniga ay tahay farac ama mid raacsan
accesory. Magdhowga waxa xaq u leh dhibanaha kasoo oo danbiga u sababay
dhibaato hadii qofka dhibaha ah ee wax so garan ama uu dhinto waxa ay
sameyneysaa carurtisa iyo xaskisa waxa kale oo jiro dad kle oo sameen ku
yelaneso sida qarabada.
Dacwada
madaniga oo lagu furaayo dacwad ciqaab waxa codsan karo xeer ilaaliyaha guud
ama qofka dhaxalka ku leh waxa ka hadlaya Art.
51 X.C. xeer ilaaliyaha waxa uu awood u leyahay inuu dhaqajiyo dacwada
madaniga hadii qofka maskaxda loogu jiro sida u qabo Art. 47 X.M.S. Dooda dacwada waxa la ogeesinaa edeysanaha iyo xeer
ilaaliyaha Art. 89 X.H.C.S. Dhinaca
madaniga waxa furan in uu codsado dacwad ciqabeed dhaxdeeda oo uu codsado
magdhowga marka dacwada bilabato (insertion) Art. 130 X.H.C.S.
Edeysanaha,
masuulka madaniga iyo xeer ilaaliyaha waxa ay diidi karaan dhageesiga dhinaca
madaniga ayagoo ku qexaya qoraal iyo dood ahaanba, sadax maalmood ka hor inta
aan ka soo qayb galin dhinaca madaniga.
Diidista
dhageysiga macnaheeda maaha in lagu xiro inuu helo magdhaw, hadii ay dhacdo
dhageysiga ama ka soo qayb galka dhinaca madaniga waxa sii soconayo hababka
kale ee ku xiga.
Aamusnanta
waxa lo qadana dib ulabasho (revoke)
laakin hadii uu qeeexo looma qadan karo waxa uu san sheegin (express).
Civil responsible:
waa qofka masuulka ka ahay qofka dhibka geestay
Civil part: waa
dhinaca ka dacwada madani
Gaarsinta
waxa amraya garsooraha waxa la sameyn karaa waqti kasta si uu u dhinaca ugu soo
qayb galo dhageesiga dacwada Art. 89
X.H.C.S. Waxa loo diraa dhinacyada
iyo cida la xariirta dacwada, warqada la gaarsinayo waa in nuqul kamid ah laga
saxiixa si ay garsiinta u noqoto wax sax oo sharci ah. Hadii uu diido garsiinta
waa in u dida inuu cadeeyo, diidista waxa ay kenesa in dacwada go’aan laga
gaaro asagoo aan joogin, xukunkana waa in la gaarsiyaa si loo fuliyo. Ayadoo
socoto fulinta haduu keeno is hortaag waa laga dhageysanaa hadii ay suurta gal
waa la dhageysanaa.
Qodobka 89 X.H.C.S (codsiga
waa in lagu gudbiyaa hab qoraal ah oo ay ku dhagantahay faranka poola ayadoo la
gudbinayointa ay socoto formalka dacwada ayado loo gudbinayo xafiiska la socda
ee maxkamada xaga dacwada.
Qayb
qadashada iyo codsiga waa in lagaar siya dhinaca masuulka madaniga ayadoo loo
marayo xeer ilaaliyaha sida ay qabaan qodobada 432,346,327,429 X.H.M.S.
Concept of accuser
Waa qof
lagu tuhmay inuu galaydanbi waxa uu noqon karaa legal or natural person.
Waa
actor-ka dacwada la’aantiisna dacwad ma socon karto. waxaan orankarnaa waa
“fundenmental element” waa tiirkaugu muhiimsan dacwadu la’aantiisna aysan socon
Karin.
Edeysanaha
waa dhinaca habka ciqaabta kaas oo shaqsi ahaan ugu masuul ah danbiga. Waana dhinac
muhimka ah ee dacwada waxana ka hadlaya Art.
13 X.H.C.S. Edeysanaha waxa loo qadan karaa marka qofka loo jaro warqada
xerida oo uu garsoore soo saray ama qof loo soo diray warqad hor imaansho
maxkamadda.
Inta uu
xiran yahay intaan la xukumin ka hor waa laga jarayaa mudadii uu xirnaa
sababtoo ah waxa uu lamid ahaa ruux xiran oo kale xaga xuriyadda, waxaa masuul
ka ah mudada uu xiran yahay garsoorka.
Waxaa
kale oo eedeysane noqon kara ruux ay u timid warqad xiritaan oo eedeyn ah.
Edeysana
waxaa loo soo qaban karaa labo xaaladood oo u sharciga sheygayo;
• Arrest up on warrant: waa warqad xarid oo uu soo saro
maxkamad awood u leh
• Arrest with out warrant: xaladan waa in lahelo shuruudo
dheeri ah
Shaqsiyaadka dacwada
(subject of the process)
▪ Garsoore
▪ Xafiiska xeer ilaaliyaha guud
▪ Edeysane (accuse / deendent)
Xeer-ilaliyaha
waa inu kena cadeen sida uu qabo Q10 X.H.C.S. Edeysanaha waxa xaq u leyahay inuu isdifaco sida uu qabo
Q116X.H.C.S
Eventually
subject
• Civil part oo ah part offended
• Other liable for the compensation (civil responsible)
Civil part- waa
ruux uu saameyey gef dhacay kaasoo doonaayo tilaabo madani ah si uu magdhow u
ehelo, tilaabada madanigaa waxay koobaysaa xaquuqda inuu magdhow u helo qasaarihii
sida ku xusan qodobka 158 pc. (sida
caruurta ninka ay ku dhacday dhibku ama xaas ama walaalkiis ama waalidkiisa)
Civil responsible – waxaa
noqon kara qofka si toos ah aan u galin falka dhacay ee sharciga lid ku ah.
Kaasi oo ka jawaabayo magna ka bixinayo (waalidku masuulayuu ka yahay wixii ay
geystaan, si lamid ah gaariga ninka iska leh waxa uu masuul ka yahay wixii uu
geysto)
Judge
Independence
and impartiality
Garsooraha
waxaa jira labo astaamood oo weyn oo lagu garto ayaa jira oo kala ah mid
madaxbanaan iyo mid dhexdhexaad ah
Independence - Garsooraha
waa inuu yahay mid ka madaxbanaan laamaha kale ee dawlada oo hadii uusan ka
dhex bixin magaari karo go’aan madaxbanaan oo wuxuu noqonayaa mid kor laga
maamulo.
Impartiality- Garsooruhu inuu dhexdhexaad yahay oo labada
dhinac midkoodna uusan u jarjeerin ama uusan lasafan midkoodna oo uu cadaalada
kasoo qaado wixii meesha oga soo baxo si dhexdhexaadnimo ah.
Sida ay
sheegeen culumada qaanuunka garsooruhu wuxuu noqon karaa hal shaqsi monocratic
ama collegial gudi garsoorayaal hada sida sharciga soomaliya uu qabo
dacwooyinka fudfudud oo ciqaabtoodu ay ka yartahay ilaa 10 sano garsooruhu
kaligiis waa gali kaaraa ciqaabna waa ridi karaa, balse dambiyada sida dilka,
cabsi daa’inka iyo dembiyda waxyaalaha waaweyn keenayo waxay u baahan tahay
gudi garsooraal ugu yaraan 3 garsoore waa inay galaan oo matalaayo xubnihii
garsoorka {jurisdictional organs}, si
kastaba ha ahaatee ama ha ahaado hal garsoore ama gudi garsoorayaal marka laga
fiiriyo objective-ka guud ahaan marka lafiiro waa hal xafiis (office) oo meel
lagu soo hirto oo cadaalad loosoo doonto dhinaca (subject)-ga marka laga
fiiriyana waa shaqsi matalaayo awoodii garsoorka ee isaga loo xilsaaray.
Xafiiska
garsooraha dabeecadiisu sidey leedahay waa inuu xooga saaraa waxa ala wixii
keeni karo laablakac, nin jeclaysi, eex, laaluush, danaysi dhamaan waa inuu
kafogaadaa dhinaca kale faragalinta banaanka imaanaysana waa inuu iska
ilaaliyaa ee eedaysanaha laxiriirta.
Waa in
aysan jirin Accusatory judge - Garsoore
isaga kaligiis wax baaranaayo, eedaynaayo, xukumayana, taas micnaheedu waa
inuusan xeer ilaaliye joogin ee waa in loo maro habka casriga ah ee uu qabo
sharciga soomaaliya oo ah in la helo sedexdii cunsur ee dacwadu ku socon lahed
judge, AG, and accuser.
The
Safeguard of the personal liberty
(Ilaalinta
qofka xoriyadiisa)
Waxaa ka
hadlaayo qodobada (26-27-30) oo ka
hadlaayaan xeerarka laxariiraan qofka shaaqsiga ah xoriyadiisa, gurigiisa,
isgaarsiinta waxyaabahaas hadii la fara galiyo qofka xoriyadiisa in lafara
galiyeye ayey noqonaysaa.
Xaqiiqatan
xeerka ciqaabta dabeecad ahaan waxa uu saaraayaa qofka xoriyadiisa xadidaad
sida in la xiro oo qofka xoriyadiisa waxa ay ku egtahay meesha uu dembiga ku
galo.
(Art. 26. arbitrary arrest) wuxuu
qeexaayaa in aan la ogoleyn xarig oo dhan, ama si kale o aan sharciga
waafaqsaneyn qofka xoriyadiisa loogama qaadi karo, hadaan lagu qabanin isagoo
dambiga faraha kula jira (flagrance delicate) ama hadii uu amro garsoore,
arintaas oo kaliya ayaa looga qaadi karaa (soley) ama qaabkasta oo uu sharcigu
sheegaayo.
Garsoorka
jiritaankiisa wuxu ka helaa si kastaba ha ahaatee baahidiisa oo ka helaayo si
praticaL ah baahida markaas jirto taasoo xitaa marka loo eego nidaamyada
democratic ah uu ku dhamaanaayo in qayb kamid ah ay ka leexdaan dastuurada,
taasoo (26-3) wuxuu sheegayaa in
qofka la xiri karo sabab laxiriirto (public order), iyo farqada 5 oo sheegayso
in qofka lagu xiri karo sabab laxirirto caafimaad, dhaqaale ama nabadgalyo
awgeed arimahaas waa laqaadan karaa, laakiin waxay nusqaamaysaa ugu yaraan
marka larabo damaadanii sharciga aheyd inay sii shaqayso.
((yacni
Damaanadu waxay ku xirantahay sida u dambi u galo hadii usan dambi galin
damaanadii meesha way ka baxaysaa))
Qofka
lagu soo qabtay nabadgalyo public order waa in la horgeeya garsooraha awooda u
leh waqtigii uu sharcigu sheegay xitaa marka ay laxiriirto xoriyada gurigiisa
sida uu sheegaayo dastuurka qodobka (29)
kaasi oo sheegaayo qofka gurigiisa in aan lagu xadgudbi Karin hadii aysan aheyn
kiisaska ku xusan firqooyinka 2 iyo 5 ee 26.
The
office of the Attorney General
(Xeer
ilaaliyaha guud)
Eedaysanuhu
wuu xirnaanayaa ilaa inta uu ka baaraayo, Qofka jirkiisa, hooygiisa iyo
meelihiisa gaarka ka galo oo wax muqadaraad ah ama hub ama wax sharciga ka
baxsan isaga lagu baaraayo ay jiraan gurigiisa iyo luuqkasta waa uu gali karaa,
oo waa uu baari karaa xeer ilaaliyuhu hadii uu ka helana (sequestration)
hantidaas la isku haysto ama dambigu uu ka dhashay waa uu xaraashi karaa
micnaha agtiisa wuu geysan karaa. Inta dacwadu ay socoto xeer ilaaliyaha waxaa
matalaayo maxkamada meliteriga qaybta ciqaabta ah ee racfaanka ah iyo maxkamada
gobolka isaga ayaa shaqsi ahaan u matalaayo AG ama mid kamid ah ku xigeenkiisa
ayuu u wakiilan karaa markastana waxaa awooda iska leh xeer ilaaliyaha guud
laakiin waxa uu awoodaa inuu u kala wakiisho maxkamadaha ku xigeenadiisa balse
maxkamada sare cidina kuma matali karto waa qasab inuu isaga ayaa tago.
Qaybta
ciqaabta iyo qaybta racfaanka ee maxkamada caadiga ah iyo maxkamada gobaolka
waxaa matalaayo AG, ama mid ka mid ah ku xigeenadiisa ama nin sarkaal police ah
oo (attorney general)-ka magacaabo.
Qodobka 12-aad waxuu sameynayaa jaranjaro ah
sida ay ukala galaayaan xeer ilaalintu dacwooyinka xeerka maxkamadaha (AG-mid
kamid ah kuxigeenadiisa-sarkaal police-ka) meelaha fog-fog waxaa galaayo
sarkaal police ah hadii lawaayana waxaa galaayo taliyaha saldhiga police-ka ama
waxa uu u magacaabayaa askari galo(iii alifle ayey u badanyihiin) isagoo ku
wareejinaayo wixii qabanaayo sarkaalka oo sharci ah.
Marka
loo eego paragraph 4 ee qodobka 12 cpc
barista iyo ka hortaga dunuubta waxaa socodsiinaayo police iyagoo tilmaan ahaan
ka amar qaadayo xafiiska AG, laakiin faqrada 5 AG. wuxuu awoodaa hadii ay la
noqoto lagama maarmaan inuu amro xafiiskiisa inuu qabto barista (investigation)
waa hadii uu ka shakiyo musuqmasuq.
Xeer
ilaaliyaha guud waa xafiiska kaliya ee ku magacaaban socodsiinta dacwadaha
ciqaabta, waana qofka labaad marka garsooraha laga yimaado ee ay dacwadu ka
soconayso waxaa loola jeeda waa sarkaal guud ee xafiiskiisa xubin kamid ah ay
socodsiinayso ama qabanayso waajibaadka iyo masuuliyada u sharcigu siiyey oo
waxuu ka tirsanyahay nidaanka garsoorka oo waxa uu raacayaa judicial act (law no 34/8 1970) xeer ilaaliyaha awoodiisa oo dhan
halkaas ayey ku cadahay iyo sidoo kale xeerka habka ciqaabta Art. 12 ppc.
Inkastoo
aysan jirin qodob si gaar ah u sheegaayo in xafiiska xeer ilaaliyuhu uu
madaxbanaanyahay laakiin xeer ilaaliyuhu waa xafiis ka madaxbanaan laamaha kale
laakiin taas micnaheedu maahan inuusn meelna ku xirneyn ee waxa uu xiriir
laleeyahay wasiirka wasaarada garsoorka labadaba maahan kuwo garsoorka ka
tirsan ee waa xafiisyo siyaasadeed. AG wuxuu leeyahay awooda garsooraha oo kale
laakiin xukun magaari kari karo. Nabeecada AG waxay lamid tahay tan garsooraha
oo xasaanada uu leeyahay garsooraha mid lamid ah ayuu leeyahay xeer ilaaliya
guud.
AG maahan mid laduri karo si lamid ah
garsooraha oo lama eedayn karo lamina badali karo waayo isaga shaqadiisu maahan
inuu go’aan gaaro waa qof eedayn kaliya u magacaaban.

0 Comments