6/recent/ticker-posts

The assumption of the testimonial proof

  



The assumption of the testimonial proof

Marqaatiga cadeymihiisa oo la qaato waa mid inta badan ka imaanasyo wax uu maamulo xeerkeenu. Maxaa yeelay waxaa ka hadlaayo qayb dhan oo buuga ah ayaa cadeynaayo gaar ahaan qodobada 179,204 ppc.

Maamulida dacwada oraah ahaan (oral), lafa gurida (concentration), dagdag isaga hor keenida (immediacy of contradiction) iyo qiimaynta xorta ah ee maxkamda oo laga helaayo saldhig ahaan xeerkeena habka ciqaabta marqaatiga in loo qaato cadeyn ahaan.

Marqaatigu marka uu furaayo maraga waxa uu usameynayaa si cad (oral) maxkamad furan horteeda oo uu joogo eedaysanuhu isagoo ladhaariyey ama cadeyn saxan uu bixiyey kaas oo da’diisu ka yarayn 14 jir (Art. 179 iyo 182 ppc). ((yacni waa la dhaarinayaa marqaatiga haduu muslim yahay hadii uusan ahayna cadeyn lagu qanci karo ayaa laga rabaa inuu cadeeyo oo siduu wax u arkay ah))

Maraga marqaati furkiisa waa in loo sameeyaa si hadal ah (oral) marka laga reebo sida loo su’aalo kuwa dhagoolayaasha ah taasoo ku cad qodobka 183 ppc oo dhahaayo “qaabka loo dhagaysanaayo dadka dhagahala’). Waxaa kaloo ka duwan in loo ogolaado in marqaatiga

looga qaado goobta ay joogaan. Art 186 ppc. Kaasi oo sheegaayo in marqaatiga laga soo qaadi karo meel cayiman {reserved place} ee loo cayimay marqaatiga kaas oo ay soo dhexgali karaan kaliya xeer ilaaliyaha guud iyo eedaysanaha iyo abukaatihiisa oo loo sheegay maalinta saacada iyo meesha lagu qaadayo. ((Dadka loo ogol yahay in loogu tago fadhigooda iyo meesha ay joogaan waxaa ka mid ah; Madaxweynaha, Ra’iysul wasaraha, Guddoomiyaha barlamanka iyo qofkii ku jira xaalad caafimaad oo gaar ah)). 

Mid ku saabsan sababaynta qodobkaan waxay u muuqataa in dadkaas meeshooda loogu tago marag furkooda ay la xiriirto dadkaas sharafta ay leeyihiin ama aan waxba marqaati lawaydiin ee laga reebo sharcigaa u ogol.

Markii wax lama su’aalayo nimanka diplomasiyiinta ah ama qunsuliyiinta shisheeye ee dalka joogo ee soomaaliya joogo iyo wakiilada  ururada dawliga ah sida (WHO etc) ee loo aqoonsaday wakiilo sharci ah oo diplomatic waxaa la ilaalinayaa xeerka iyo habdhaqanka caalamiga ah sida uu qabo (Art. 186 section 4 ppc) oo saldhig looga dhigay (Art. 31/4 of international convention of Vienna) ee soo baxay 18/4/1961 ee soomaaliya laga dhaqan galiyey 16/jun/1967,dadka iska leh astaanta diplomasinimo waxaa loola jeeda marka loo eego qodobka 1aad sida uu qabo  heshiiska aan soo sheegnay, madaxa hogaaminaya xubnaha diplomciyiinta ah ee dalka jooga iyo qof loo aqoonsaday inuu leeyahay dhamaan faidadii diplomacinimo waxa ayna leeyihiin xasaanad ah ina aan dambi lagu soo oogi Karin sida dadka caadiga xata hadi uu gali9 dambig laguma soo oogi karo dida dadka caadig ah 

Wixii ku saabsan qaabka loo imtixaanaayo waxaa loo sameynayaa sedex tilaabo oo isku xigto:

a)     Principal exam- imtixaan guud 

b)    Contra- interrogatory- dhinacyada oo iska hor yimaado

c)     Re-exam- in dib loo imtixaano

Marka ugu horayso marqaatigu waxa uu hoos tagayaa su’aala guud ee uu waydiinayo qofka keensaday marqaati furkooda waa ka jawaabaa, qofkaas waydiinaayo oo jeedo inay ka faa’ido cadyntaas oo laxirirto siduu u rabay inuu oga faa’ido ee dhacdooyinka la xiriiro eedda.

Waa mihiim in laxasuusnaadaa su’aalaha guud inay leedahay u jeedo laga hadli karo kaliya xaqiiqooyinka wax ku oolka ah, sidaas darteed lama ogola  su’aal ka duwan aarinta meesha taal, marqaati furka cadeytiisa waa inuu ku bixiyaa oraah (oral) maadaama aan la ogoleyn in wax qoran warqad laga aqriyo.

Si kastaba ha ahaatee inta ay socoto marqaati furka soo tixgalinaayo qofka noociisa (quality) iyo dabeecada dhacdooyinka maxkamddu waxay awoodaa inay soo xasuusiso arin qoraal ah oo uu horay u marqaati furay:

a.      Qoraal uu isagu sameeyey waqtigii ay dhacaysay arintu ee laga su’aalayey marqaatiga iyo wixii la xiriira waqtiga, ee ay maxkamadu u ogolaysay waxyaabihii markaas miskax ahaan uu sheegay.

b.      Qoraal uu sameeyey qof kale oo uu marqaaatigu aqriyey inta dacwada socotay hadii marqaatigu markuu aqriyey uu hubay nuxurka is la arintaas uu xaqiijiy arinta runta ah.

c.       Marka loo fiiriyo kuwa xirfadlayaalsha ah (professionals) haduu marqaatigu yahay nin qabiir ah (expert) ama lataliye farsamo (technical consultants) uu yahay markaas aqoontiisa ayaa la raacayaa.

Wixii la xiiiro qaabka loo su’aalaayo marqaatiga waa in la cadeeyaa, markii su’aalaha guud la iswaydiinayo iyo kuwa dib la iska waydiinayo waxaa mamnuuc ah in la waydiiyo marqaatiga su’aalo marqaatiga hogaaminayo (leading questions) taas micnaheedu waa inuu dareensiinayo sidii uu rabo.

 Wajiga labaad ee waydiinta waaa in marqaatiga la iska horkeeno oo ay sameynayaan labada dhinac ee iska horjeedo, arinkaan u qaadashada ama u fahmida in maragu uu yahay mid adadag oo cadaw ku ah dhinaca su’aalaha waydiiyey, lama qaadan karo arintaasina wax jirana maahan sidaas daraadeed waxa uu sameyn karaa waxkasta ama su’aalkasta oo mamnuuc aheyd su’aalihii guud markii la isweydiinayey, marka lagu daro kal gacaylka uu u hayo ninka su’aalo waydiinayo inuu ku hogaamiyo kii wax lawaydiinaayey inuu ku dhaco soo jeedintii dhinaca kale su’aalaha uu sameeyo si uu u control kalsoonida uu isaga ka marqaati furayo su’aaliha guud markii la iswaydiinayo.

Arintaan marqaatiga waxaa la waydiin karaa arimo kale oo lacadeeyey markii su’aalihii guud la iswaydiiyey ama warbixin ama cadeymo oo isla isaga uu si qoraal ah u dhaafay ama la diwaan galiyey dhawaan qoraalkaas oo aan loo soo bandhigin si loo ogolaado ama loo cadeeeyo ((yacni waxa ay is dhaafsanayaan dhinacyada inta ay socoto su’aalaha waydiinta guud wixii uu qoray (verbal) kaaliyaha dib ayaa loo waydiin karaa marqaatiga))

Si kastaba ha ahaatee hadii loo baahdo in laga horyimaado oo beentiisa banaanka lasoo dhigo marqaatiga iyadoo loo maraayo qoraalkii u usameyey waxa loo bahanyahay in dib loo xasuusiyo (recall) qaybta qoraalka ku saabsan ee ladoonaayo in la cadeeyo dhamaadka aqbal la’aanta ku saabsan marqaatiga. Art. 94 ppc. ((yacni marqaatiga waxaa la waydiinkaraa wixii uu horay u marqaati furay hadii ay qoran yihiin in dib loo su’aalo si loo arko meelaha uu ku qaldanayahay ama ka boodayo))

Marka la iska horkeeno marqaatiga waxaa lasameyn karaa in su’aalo la waydiiyo si loo hubiyo run sheegidiisa , xitaa markii uu ka jawaabayo su’aalaha marqaatigu waxa uu gali karaa in dacwo ciqaabeed lagu qaado ama masuuliyad madani ah inuu qaado. Art. 193194-195 ppc. ((yacni hadii uu dacwo ciqaab ah uu marqaati been ah ku furo waxa uu galaa dambi ah marqaati beenaale, yaanba la maxkamadaynine hadii marqaati furkiisa ay ka timaado qasaaro isagaa masuuliyadaas qaadaayo))

Qaybta sedexaad ee marqaatiga ee ugu dambayso su’aalaha (exam) waxay ka kooban yihiin wajiga dib u su’aalida (re-axam) taasoo dhinaca codsaday in laga soo qayb galiyo dacwada marqaatiga, su’aalihii guud ayuu waydiinayaa kadib marku arko su’aalihii labada dhinac ay is dhaafsanayeen ee iska soo hor jeeday ayaa dib loogu badali karo in dib loo waydiiyo (contra- interrogatory- micnaheedu waa in dhinac su’aalo lawaydiiyey ee uu ka jawaabay xaq waxa uu u leeyey in dhinaca kalana su’aalo laga waydiiyo arinka. ((yacni iyagoo su’aalo is waydiiyey ayaa su’aalo kale dib laga waydiin karaa)). *Interrogatory waxaa sameeyo maxkamadda contra-interrogatory waxaa sameeyo dhinaca kale*

Marka laga yimaado waxaas, markii aan joogno dib u su’aalida marqaatiga ee ay raali ka tahay maxkamadu in arimo kala duwan in laga waydiiyo dhinaca kasoo horjeedana waxa uu xaq u leeyahay in wax kasoo horjeedo ee qilaafsan uu keeno (contradict) isla arintaas, dib u su’aalidu waxa ay qayb ka tahay mabda’a su’aalo waydiinta guud.

Wajiga afraad marag furka waxaa su’aalaha toos u waydiinaayo maxkamada. Xeerkeena ciqaabta wuxuu sheegayaa fikrada dadka intiisa badan iskama indho-tiri karaan habka loo qeexaayo dacwada ciqaabta marka loo eego saldhig cadaaladeed waxaana jira qodobka Art.198 ppc kaas oo oranaayo in maxkamadu ay soo dhexgalin  karto su’aalo dheeraad ah si wax loogu kabo dhameystir la’aanta su’aalaha ay sameeyeen dhinacyada, sabab owgeed wuxuu soo jeedin karaa inuu waydiiyo marqaatiga su’aal kasta oo uu u haysto lagama maarmaan ama ku haboon dhamaan arimaha wax ku ool ka ah.

Xadidaada kaliya ee u sharcigu saaray waa in ay mamnuuc tahay in lagu xad gudbo sirta shaqada (i.e waa sarkaal nabad sugid sidee ku soo ogaatay arinkan lama dhihi karo), sirta la xiriirto xafiiskiisa iyo arimo la xiriiro qoyska (i.e ninku inuu xaaskiisa ku mar qaati furo laguma amri karo waa arimo qoys).

Marqaatiga waxaa saaran waajib ah inuu ka jawaabo su’aalaha uu waydiiyo dhinaca kale iyo su’aalaha ay maxkamadu ku amarto inuu ka jawaabo, dhinaca kalana waa uu ka hor imaankaraa marag furkaas. ((yacni wixii maxkamadu amartay ama dabeecadu keentay oo muhiim ah waa inuu ka jawaabo)).

 

Post a Comment

0 Comments