Procedure before the trail
Shaqada
uu qabanayo uu qabanaayo xeer ilaaliyaha guud ka hor maxkamada ama Habka loo
maraayo dacwada intaan maxkamada la hor tagin. Xeerka habka ciqaabta
soomaaliyeed hay’ada la doonayo inay dabooshaa arimahaas oo ah (proceeding )
waa AG majiro hal tilminaan ee kalsooni lagu sameeyo oo aan hoos imaanaynin
iqtiyaarkiisa howlihiisa waxay ku salaysan yihiin qodobada 70, 71,72 ppc oo ku saabsan shaqada xeer ilaaliyaha ka hor
maxkamada, xafiiskiisu wuxuu soo diyaarinaa gal dacwadeedkiisii, marqaatiyadii,
iyo cadeymihii uu ku kabilahaa arimahaas oo dhana waxay awood usiinaayaan in
gal dacwadeed dhisan uu keeno ka hor maxkamada intaan lagaarin waxaa kaloo
saaran culeys cadeymeed burdon prove sida ku xusan qodobka 69 ppc, oo leh masuuliyda cadeynta waxaa laga rabaa xeer ilaaliyaha
guud.
Waana
mid ka mid ah masuuliyadiisa kuwa ugu waaweyn ee xafiiskiisa, hadii uu rabo
inuu qof soo eedeeyo waa inuu wato wax un lagu qanci karo oo cadeyn ah, hadii
larabo in labilaabo warqada eedeyta (imputation or charger paper) iyadoo lasoo
raacaayo qodobada kor kusoo xusan kuwaas oo kala ah;
Art. 70- qaabka
uu u diyaarinaayo
Art. 71-
(form)- qaabka uu u qoraayo watqada eedayta
[Tusaale,
waa inuu dhexda ku qoro eedayn, kadib waa inuu ku qoraa lid ku ah hebel hebel
hebel, ina heblaayo, da’daas jira, ku dhashay meeshaas, kaas loo haysto
dembiyada ku xusan qodobkaas, uu galay oo loo haayo markaas cadeymo ku filan.]
Art. 72- (gal xirid)
waxaa waaye hadii aan loo haynin cadeymo ku filan ama in uu ninkii dhintay ama
uu baxsaday oo meel uu aaday aan lagaaraneynin ama ninkii cadeynba aan loo
haynin oo ay cadeymihii kala daadaateen, waa inuu galkii xiraa qodobkaasna
wuxuu sheegayaa gal xiris.
Maxkamda horteeda marka lataagan yahay kuma filna xeer
ilaaliyaha qiraalka eedaysanaha (xeer ilaaliyuhu waa inuusan isku halaynin
qiraalka eedaysanaha) sidaa daraaded waa inuu cadeeyaa xeer ilaaliyuhu;
i. In dambi la galay. ii. Kan
galayna uu yahay eedaysanaha.
Fiiri
qodobada (108-109-110 ppc) maxaa
yeelay 108-(waxaa waaye qiraalka
dambiga) 109-(waa dafiraada dambiga)
110-(waa haduu dafiro inay masuuliyadu
fuulayso xeer ilaaliyaha inuu soo cadeyo).
Xeer
ilaaliyuhu hadii uu damco warqada eedaynta (charge) inuu wax ka badalo intii
aan dacwadaba lagalin waa uu sameyn karaa waxaana sheegaay Art. 111 ppc oo wuxuu sheegaa (alteration), waa uu badali karaa
inta dacwadu socoto oo uusan go’aan kasoo bixin iyadoo ay maxkamadu raali ka tahay.
Tusaale,
oo magacii eedaysanaha ayaa ka qaldan ama dacwada aya wax ka qaldameen
Marka uu
xeer ilaaliyuhu dacwada soo jeediyo kadib dhamaan heer kasta ee maxkamada inta
lagu jiro darajada koobaad ka hor inta uusan soo gabagabeyn dacwada waxaa u
banaan qayb ama dhamaan dacwada inuu ka laabto (alteration) iyadoo maxkamadu ay
raali ka tahay ama ay la ogtahay. Laakiin way dhici kartaa in ladhaho waxba
habadalin ee sidaas ku soco in ay lagu raacana waa suurto gal.
Hadii in
labadalo lala qaato waxa ladabaqayaa ama laraacayaa sida uu qabo qodobka 103, ppc. Hadii uu dhaco wax kabadalku
kadib markii uu xeer ilaaliyuhu uu soo ururiyey cadeymihii oo la horkeenay
maxkamada waxaa u banaan eedaysanaha iyo xeer ilaaliyaha;
i. Inay dib u imtixaanaan (re-axam) cadeymihii horay loosoo
dhagaystay in dib loo baaaro si cadeymo waafaqsan wax ka badalka uu usoo baxo. ii. In ay soo hor dhigaan maxkamada cadeymo cusub ee laxiriirto
(alteration) maadaama tii hore uu wax ka badalay. (to produce fresh evidence).
Markasta
oo kiiska wax ka badal lagu sameeyo waa in eedaysanaha lasiiyo waqti ku filan
ee uu ku diyaarsado isdifaacidiisa.
Qodob
kale oo muhiim ah oo waxqabadka xeer ilaaliyaha ka mid ah waa marka uu dareemo
dhamaan cadeymihii lasoo ururiyey in ay ku filanyihiin in lagudo galo
dhagaysiga dacwada in uu dambigaas dhacay uuna galay eedaysanahaan sida uu qabo
(art. 70-1-a) ama markii uu u arko
in aysan ku filneyn dhamaan cadeymaha lasoo ururiyey in uu dembi dhacay uuna
galay eedaysanahaan.” Sidaas daraareed xeer ilaaliyaha guud waa inuu amraa in
lasameeyo baaris dheer ah, hadii uu umalaynayo in arintaas lagu gaari karo
astaamo kale oo cadeymo ah ama lagu gaari karo dacwo ka oqosho ee kiiska sda ku
cad qodobka 72 ppc, ama waxa uu
raacayaa (art. 70-1-b) laakiin waa
marka ay cadaato;
a- Marka
ayna cadaanin in dembi dhacay iyo b- Dambiga
inuusan sameynin eedaysanaha.
Xaqiiqatan
xeer ilaaliyaha guud waxa uu garsooraha awooda u leh ka codsan karaa in aan
lagu qaadin dembiga eedaysanahan. Xeer ilaaliyaha wixiisu waa codsi marka loo
eego faragalinta garsooraha.
Marka la
fiiriyo xeerka habka ciqaabta kan wax qiimeeyo
markstaba waa garsooraha maadaama xeer ilaaliyuhu uu dhaqaajiyo fal
dambiyeey sidaas daraadeed waa fursad inuu u gudbiyo talaabooyinkii garsooraha
ama marka uu u arko in faldambiyeedku uu gudbin Karin, waxaana qasan ah inuu
raaco art. 74 ppc, (galxirid) waa
inuu gal ka xiraa oo uu garsooruhu codsanaayo in galkaas laxiro oo la iska soo
afjaro. Art. 74 ppc, wuxuu leeyahay
wax la furi karo maleh ilaa golaha sare ee kacaanka fasax ay ka siiyaan golaha
garsoorka oo ay ku jiraan garsoorayaal dadwayne oo uu magacaabayo wasiirka
garsoorka.
1. Magistrate of court – garsoore maxkamadeed
2. Regional governor – gudoomiye gobol
3. District commissioner – gudoomiye degmo
4. Chairman of a local council offences committed in the
exercise of their function – gusoomiye gole hoosaad dembi sameeyey iyagoo
shaqadooda ku dhexjira.
The
principle of hierarchy
(Mabda’a
kala sareynta ee xafiiska xeer ilaalinta)
Marka
laga yimaado garsoorayaasha, xeer ilaaliyaha marka lala eego shaqada uu
qabanayo waxaa astaan u ah jaranjaarooyin (hierarchal) isku xiraan kaas oo isku
xiraayo xeer ilaaliya guud iyo ku xigeenadiisa.
Waxaa
ugu sareeyo xafiisaka xeer ilaaliyaha
guud, waxa ku xigo ku xigeenadiisa, hadii la waayo labadooda ayaa waxaa
matalaayo sarkaal police ah oo ay darajadiisu ugu yartahay labo ama sedex
xarigle.
Markii
la joogo xafiiska xeer ilaalinta jaranjarada isku xirka shaqada waxay
noqonaysaa mid cad (concrete) maadaama uu xeer ilaaliyaha guud uu yahay madaxa
ugu sareeyo dhamaantoodna waxay matalayaan xeer ilaaliyaha guud waxay leeyihiin
darajo ku xigeen (subordination).
Sababtaas
awgeed waxay quseysaa arintaan mabda’a midnimada (unity) iyo kala qaybin la’aanta
(indivisibility) xafiiska xeeer ilaaliyaha guud, shaqooyinka ay qabtaana loo
qaadanaa in ay kasoo fuleen madaxa ugu sareeyo, xeer ilaaliyaha guud wixii
uusan ogaleyn masoconaayaan ( haday tahay warqad eedayn isagaa saxiixaayo,
haday tahay dacwo galis isagaa u soo magacaabaayo xubinta galayso, hadii ay
tahay gabagabayntii dacwada isagaa gabagabaynaayo) oo isagay kala tashanayaan
hadba meesha ay wax marayaan.
Xafiiska
xeer ilaaliyaha guud dhamaan xubnaha uu
ka koobanyahay waa kuwo midaysan (unity), waana kuwo hal qof ku magacaaban oo
ah xeer ilaaliyaha (impersonal). Mabda’a kala sareynta wuxuu dhab noqonaa marka
la eego awooda xeer ilaaliyaha waa inuu hogaamiyo baaris kasta (any inquiry)
iyo waxkasta oo loo baahanyahy iyo xaalad kasta ama darajo kasta oo ay dacwadu
marayso. Sidoo kale haday noqoto qaraarada la xiriiro dacwo ka noqosho oo mid
ka mid ah xukigeenadiisa haadii uu damco
inuu dacwo ka noqdo waxay saameyn yeelanaysaa marka uu soo saxiixo xeer
ilaaliyaha guud (Attorney General). Art. 112 ppc, xeer ilaaliyuhu wuxuu
awoodaa inuu dacwada inuu la noqdo dacwada qayb kamid ah ama dacwada oo dhan
xili kasta ee ay dacwadu marayso ee darajada koobaad inta uusan xukun soo
bixin. Laakiin la noqoshadaas waxay u baahantahay cadeyn qoran oo rasmi ah
taasi oo uu soo qoray xeer ilaaliyaha guud.
Goorma
ayuu la noqon karaa ?
Wuxuu ka
noqon karaa sedex sano wixii ku eg, hadii ay ka badan tahay sedex sano lama
noqon karo.

0 Comments