Procedural acts
Tilaabooyinka
sharcigaa
Xeerka
habka ciqaabta wuxuu ka hadlayaa tilaaboyinka sharciga book 1 isagoo u kala
qaadaayo qaybo loogu tala galay xeerar guud.
(Art. 81-83) go’aanka maxkamada (83-87) waxay ka hadlayaan waqti
(terms) waxkasta meel ayey ka biloowdaan meel ayeyna ku dhamaadaanm (Art. 88-89) wixii sharciga aan
waafaqsaneyn ee qaldan ( null and void), (90-97)
qoraalada dacwada inta ay socoto uu kaaliyaha uu maxdarka ku qoraayo (munites),
(Art.94) wuxuu ka hadlayaa qaab
dhismeedka uu procedural act uu ka sameysanyahy (framework).
Xeerka
markuu ku hadlaayo (procedural acts) wuxuu ku tilmaamaa hab dhaqanka
shaqsiyaadka ee dacwada ka mid ah (behavior of subject) marka kalana wuxuu ku
tilmaadaa (documents) la xiriiro hab u socodka maxkamadda. Dhinicii doono haloo
arko dhinac loo raaco maleh (procedural acts).
Procedural
act of the judge
Tilaabada
uu garsooruhu qaadi karo
Xukunku
waa talaabo (judicial act) go’aan gaaris garsoor, taaso garsooruhu uu ku
cadeynayo wax dhab ah iyo qaraar kama dambeys ah ee arin lagu muransanyahay,
(controversial) ayuu go’aan kasoo saarayaa fikrad macquul ah.
Hadii si
kale loo qeexo (judicial act) waa mid cadeynaaya qaraarkii habka dacwo qaadista
ee dacwada, kaasi oo uu garsooruhu soo saaraayo xukun macquul ah, si uu ugu
dabaqo ujeeda saxda ah (tangible). Sidoo kale xukun waa go’aan garsoore kaaso
qeexaayo habsami u socodka dacwada ama qayb kamid ah.
Garsooruhu
marka uu ku dhaqaayo xukunka wax kale masmeynayo aan aheyn inuu gaaro xukun
macquul ah (logic judicial decision) ee dhacdo isaga loosoo koryeelay ama la
horkeenay, taasoo inta dacwadu socotay laga dooday, marna masameyn karo go’aan
laab lakac iyo qiimeyn diimeed ku dhisan, wixii laga dooday hortiisa ayuu
go’aan ku gaarayaa, mar haduu qiimeeyo document la horkeeno ama uu qiimeeyo
dhamaan cadeymaha ay dhinacyadu hor keeneen garsooruhu markaa waa inuu go’aan
gaaro si madaxbanaan oo iqtiyaar ah taasoo ka dheer faro galin.
Xukunka
uu garsooruhu ku dhawaaqi karo iyadoo lala xiriirinayo qodobada 84-86-122123, sidaan soo socoto ayaa loo qaybin karaa:
1) (Sentences of condemn)- kaasoo uu cadeynayo garsooruhu
masuuliyadaas uu leeyahay eedaysanuhu, waxayna soo dhaweynaysaa codsiga ah
(claim) in la ciqaabo eedaysanaha ee xeer ilaalyuhu uu keenay maxkamada
horteeda.
2) (Sentence of acquittal)- Xukun sii daysmo siidaysmadaasoo
garsooruhu sabab ka mid ah samababa uu sharcigu tilmaamay ayaa wuxuu diidaayaa
ciqaabtii laga codsaday iyadoo lasheegaayo inuusan dembi laheyn.
3) (Constitutive sentence)- waa mid aan aheyn xukun sidoo kale
aan aheyn sii daysmo wax bay dhisaayaan waa sida dhaqan celin oo kale
(rehiblitation), waxaa ka mid ah marka ay maxkamada sare dacwada dib usoo
celiso ( sentence of ascertainment) waayo lama soo qeexin, (ninka ma jooga mise
ma joogo ama magaciisa qaldan) maxkamadii soo saartay ayaa lagu celinayaa.
Tusaale.
“in ninkii loo arkay inuu dhimirka la’yahay sidaas daraadeed bulshada aan lagu
siidayn Karin, xukuna uusan ku dhici Karin, waxaa lagaarayaa go’aan ah in meel
lagu haayo meel waxa jirtay NASARETI layiraahdo”
Si guud
xukunka lagu soo bandhigay Somali penal procedure code waa labo; mid xukun
ciqaab ah (condemnatory) ama (acquittal) siidaysmo ama xukun dib u celin. Waa
waxba kama jiraan (null and void) xukunka hadii uu soo saaro garsooruhu ka hor
waqtigii loo baahnaa, waqtigii loo baahna gaarsiinta ayuu xukun soo saarayaa
sida ku cad Art. 84ppc. Document ahaan waa inuu qoran yahay (written) taariikh
leeyahay (date) uu saxiixay garsooruhu
(signed).
In a
summary, sida aan kor kusoo xusnay garsooruhu kaliya xukunka kuma gaari karo
sidaas wuxuu isticmaali karaa habab kale oo ah ordinance ama decree oo
garsooruhu xukun kaliya wax kuma socodsiiyo. Tususaale, decree: “cunugaan hebel
ayaa dhalay” degree waxaa noqon karo xukun ama wixii la qeexaayo oo la isku
haysto. Ordinance: “lacagta bank hebel
taalo gacata halaga saaro hebel oo loo xukumay” ama ordinance waxa noqon karo amar soo qabasho waxana ka
hadlaayo qodobada (40-41-42-43-44-45ppc).
Ordinance
sida xukunka oo kale waxay qorayaasha qaar ku qeexaan “go’aan garsoore ee loo
adeegsado arimaha dul socodka ku ah dacwada kuwaas oo soo baxaayo inta kiiska
la dhisaayo, waa amaro dacwada lagu toos toosinaayo intay dacwadu socoto ama
fulintu socoto.
Ordinance
waxaa la isticmaalaa inta dacwadu ay hormarka (developing) ama dhismaha ku
socdo ama wax mar hore go’aan laga gaaray lagu cadeynayo. Sidoo kale decree waa
go’aan gorsoore uu soo saaro ama xeer ilaaliye. Decree marka aad loo yaqaan ee
la isticmaalo waa hor imaansho maxkamadeed ama xirid.
Special
acts of the attorney general
(Tilaabooyinka
sharci ee xeer ilaaliyaha qaranka gaarka u ah)
Decree
waa tilaabo guud oo waxaa soo wada saari karo garsooraha iyo xeer ilaaliyaha
labadaba, waxaa jiro tilaabooyin xeer ilaaliyaha gaar u ah waxaana ka mid ah;
(request) oo ah in uu codsan karo in qofkaas dacwada lagala noqdo ama in
galkiisa laxiro iwm, sidoo kale waxa uu gaar u leeyahay (accusatory) oo ah in uu eedaynkaro qofka.
a) Request- waa tilaabooyin kuwaas oo xeer ilaaliyuhu uu ku
socodsiinaayo wax qabadka garsoorka (waa tilaabooyinka dacwada lagu furfuraayo
ama lagu bilaabayo).
((yacni
warqad eedaynta in lahelo maahane garsooruhu waxba iskama bilaabi karo xitaa
isagoo u jeedo qaabka wax u dhaceen waliba og xogta meesha taalo, eedayn
la’aanteed waxba mabilaaban karaa nidaamkaan maahan kii inquisitor ahaa))
b) Requestor- waa tilaabooyin uu
xeer ilaaliyuhu wax ku soo gudbinaayo inta ay dacwadu socoto, maxaa yeelay si
qofkaas eedaysanahaa loogu qaado dacwadaas. Waa in la xasuusnaadaa inta ay
socoto dacwadu garsooruhu go’aan magaari karo haduusan dhagaysan xeer
ilaaliyaha eediisa go’aan magaari karo, marka laga reebo kuwo uu si gaar ah
sharcigu u sheegay.
Xeer
ilaalyuhu waa inuu soo gudbiyaa codsi sababaysan iyo codsi gaar ah oo lataaban
karo, codsiga xeer ilaaliyuhu madabooli karo go’aanka garsooraha yacni qasab
kuma ahan garsooruhu inuu raaco codsiga xeer ilaaliyaha.
Doodu
inta ay socoto codsiga xeer ilaaliyuhu waxa uu usoo gudbinayaa qoraal (written)
inta ay dacwadu socoto inta kale (oral) wuu kusoo gudbim karaa laakiin maxdarka
yaa lagu qorayaa.
{hadii
garsooruhu inta kaligiis uu dhagaysto eedaysana uu xukumo xukunkaasi waa waxba
kama jiraan (null and void) sida waafaqsan qodobka 113 maxaa yeelay kasoo qayb galka xeer ilaaliyaha waa (essential
element)}
The acts
of the auxiliary organs-
(Tilaabooyinka ay qaadaan caawiyaasha)
Tilaabooyinka
ay qaadaan caawiyaasha, dacwada maxdarka lagu qoro kaaliyaha ayaa ku qoraayo oo
kaaliyaha ayaa tilaabooyinkaan qaadi karo.
Verbal process-
maxdarka wax loogu qoro waxaa lagu qeexi karaa, tilaabo uu fulinaayo sarkaal
guud oo ah kaaliye, kaas oo ay shaqadiisu tahay in uu sameeyo (document), inuu
habeeyo wixii kale ee loo baahdo iyo inuu kaydiyo qoraaladaas uu garsooruhu
sameeyey.

0 Comments