The relationship between penal jurisdiction and civil jurisdiction
Hadii aan ka biloowno xiriirka ka
dhaxeeyo dacwo ciqaab ah iyo dacwo madani ah waxaa loo xalin karaa siyaabo kala
duwan marka loo eego nidaamka ay salka ku hayaan. Nidaamkeena oo siinaayo muhiimad
wayn go’aanka ciqaabta iyadoo la raacaayo hababkaan;
1. Waxaa qasab ah in laga hormariyo
dacwada ciqaabta tan madaniga. ((yacni
hadii doodu u dhaxayso shaygaan aniga ayaa leh iyo waa la’iga soo xaday, waxaa
la hormarinayaa in sheygaan lasoo xaday iyo inkale oo dacwada ciqaabta ayaa
lagalayaa ugu horeyn))
2. Waxaa muhiim ah dacwada ciqaabta ee
socoto in la dhexgaliyo hadii madani uu jiro ((yacni inta ay socoto dacwada ciqaabta qofka waxa uu xaq u
leeyahay in uu soo qorto magdhaw sida uu qabo qodobka 130 ppc, waana in loo
raaciyo ciqaabta magdhawgaas))
3. Marka dacwo ciqaab ah aan ka
hormarinayno dacwo madani ah ama mid maamul hormarintaas waxaa loola jeedaa in
ay tahay dacwad ciqaab ah.
Lagama
laaban karo xukun ciqaabeed ama xukun siideyn ah kadib marka uu ku dhawaaqo
garsooraha, laakiin xukunka kala noqoshada waxaan haysanaa sedex
xaaladood;
i.
Evidence
- cadeyn
ii.
Relecvance-
wax ku ool iii. Pertinence- la xiriirto.
The
evidence (proof)
I. Relevance
and pertinence
Anaga
sharcigeena cadeyn waxa ay ka bilaabanaysaa Art. 135 ppc, wuxuuna ka hadlayaa (relevant) and (irrelevant)
waxkasta oo soo dhaweynaya cadeyntaas waa relevant.
Qodobkaan
waxa uu ka hadlayaa waxyaabaha muhiinka ah (relevant), dacwada inta ay socoto
garsooruhu hadalkooda ayuu kala dhex bixikaraa hadalo (relevant) ah, oo wax ku
ool ah, inta ay isdacweynayaan ayuu warkasoo bixi karaa, oo isagoo inkirsan
ayaa afkiisa laga dheehan karaa inuu dembiga galay, taas ayuuna ka hadlayaa
qodobku maahan tii 108 ppc, ee
magashay dambiga mise magalin.
Marka
qodobkaan laga fiiriyo sharciga xagiisa waxaa laga dheehankara inay jirto
(existance) iyo in aysan jirin (inexistence) cadeyntaas ay doodu ku
saabsantahay ama falkasta ee loo qaateen ah (relevant).
Maxaa
lagu fasiran karaa falalkaan lagu qeexay qaybta labaad ee qodobka 135 ppc aan hada kaga hadalnay dhacdada
aan soo sheegnay?
Way
fiican tahay in lacadeeyo, laakiin kuma filna in la fahmo sababta qodobka uu
meesha ugu jiro. Micno kale malahan
qodobka waa inuu kala baxo garsooruhu nuxurka, fikradiisana uu ku darsado
waxyaalihii iyo hadaladii ay dhinacyadu is dhaafsadeen iyo qoraalada uu ka helo
wax allaale iyo wixii kabaayo kiiska waa (relavant) wixii (relavant) ahna
kiiska ayey wax ka tarayaan.
Hadii
aan tixgalino qeexitaanka uu xeer dejiyaasha (legislation) (relavant facts)
waxaa loola jeedaa dhacdo (facts) loo soo gudbiyey cadeyn ahaan taasoo ka
baxsan wixii loo baahnaa (beyond the requirement of relevance). Taasina
garsooraha ayey u taalaa sidii uu u qiimeyn lahaa hadii ay tahay relavant iyo
hadii ay aheyn relavant.
II. Relevant facts
Qodobka 136 ppc waxa uu sheegayaa relevant
facts, taas oo ku xiran arin kale oo dacwo ka socoto ee isla arintaas ka
hadlayso haday dhacaan isku waqti , isku meel ama waqtiyo kala duwan. ((yacni
relevant waxaa laga wadaa markii lahelo arin laxiriirto dacwo socoto ama isku
waqti ha dhacaan ama waqtiyo kala duwan))
Xeerku
waxaa ka reeban tixgelinta (consideration) in kiis kasta iyo dhacdo aan laga
goyn karin dhacdo kale. Xaqiiqdii lagama
saari karo cadeynta xaqiiqooyinka qayb ka ah isla dhacdada, iyadoon la keenin
cadeyntaas dhameystir la’aan, maxaa yeelay dhacdo kasta waxa ay ku xiran tahay
dhacdo kale sida sabab iyo saameyn oo kale (course and effect).
Hadaan si
cad u cadeyno tusaale ahaan, “Ali waxaa lagu eedeeyey dil, hameynkii ka
horeeyey markii dilku dhacaayey Ali iyo Omar way is aflagaadeeyeen kadibna waa
lakala celiyey, hameynkii labaadna dib ayey u kulmeen kadibna way dagaalameen,
Omar waxa uu UL ku dhuftay Ali wayna dhaawacday. Arintu halkaa markay joogto
Ali waxa uu doontay hub wuuna dilay Omar. Halkaan arinta looga doodaayo waxa ay
tahay in Ali uu dilay Omar, laakiin dhacdooyinka kale ee la xiriiro dooda waa
relevant” ((yacni waxaa relevant noqonaayo in Ali uu doontay hub, in hameyn ka
horeeyey ay is aflagadeyeen, iyo in ay dagaalameen))

0 Comments