Evidence
Cadayn
Anaga
sharcigeena cadeyn waxa ay ka bilaabanaysaa Art. 135 ppc, wuxuuna ka hadlayaa (relevant) and (irrelevant)
waxkasta oo soo dhaweynaya cadeyntaas waa relevant.
Qodobkaan
waxa uu ka hadlayaa waxyaabaha muhiinka ah (relevant), dacwada inta ay socoto
garsooruhu hadalkooda ayuu kala dhex bixikaraa hadalo (relevant) ah, oo wax ku
ool ah, inta ay is dacweynayaan ayuu warkasoo bixi karaa, oo isagoo inkirsan
ayaa afkiisa laga dheehan karaa inuu dembiga galay, taas ayuuna ka hadlayaa
qodobku maahan tii 108 ppc, ee
magashay dambiga mise magalin.
Marka
qodobkaan laga fiiriyo sharciga xagiisa waxaa laga dheehankara inay jirto
(existance) iyo in aysan jirin (inexistence) cadeyntaas ay doodu ku
saabsantahay ama falkasta ee loo qaateen ah (relevant).
Maxaa
lagu fasiran karaa falalkaan lagu qeexay qaybta labaad ee qodobka 135 ppc. aan hada kaga hadalnay
dhacdada aan soo sheegnay?
way
fiican tahay in lacadeeyo, laakiin kuma filna in la fahmo sababta qodobka uu
meesha ugu jiro. Micno kale malahan
qodobku waa inuu kala baxo garsooruhu nuxurka fikradiisana uu ku darsado
waxyaalihii iyo hadaladii ay dhinacyadu is dhaafsadeen iyo qoraalada uu ka helo
wax allaale iyo wixii kabaayo kiiska waa (relavant) wixii (relavant) ahna
kiiska ayey wax ka tarayaan.
Hadii
aan tixgalino qeexitaanka uu xeer dejiyaasha legislations (relavant facts)
waxaa loola jeedaa dhacdo (facts) loo soo gudbiyey cadeyn ahaan taasoo ka
baxsan wixii loo baahnaa (beyond the requirement of relevance). Taasina
garsooraha ayey u taalaa sidii uu u qiimeyn lahaa hadii ay tahay relavant iyo
hadii ay aheyn relavant.
Maxaa relevant ah
mise maxaa ah irrelevant
Relevant-
waxkasta oo muhiim u ah kiiska ciqaabta, oo kasoo baxa dhinacyada hadalkooda
ama doodooda.
Irrelevant-
waxkasta oo aan muhiim u aheyn kiiska ciqaabta oo kasoo baxo dhinacyada
hadalkooda ama doodooda.
Notion
Parts of
the process
(Xubnaha
ay dacwadu ka dhaxayso)
Dacwada
marka laqaadayo waxay ka dhaxaysa sedex dhinac waa garsooraha, xeer ilaaliyaha
iyo eedaysanaha. xiriir sedex geesle ah waaye waa garsooraha oo meel kore
saaran iyo xeer ilaaliyaha iyo eedaysanaha oo jaranjarada koobaad isla saaran.
Inta uu
xiran yahay intaan la xukumin ka hor waa laga jarayaa mudadii uu xirnaa
sababtoo ah waxa uu lamid ahaa ruux xiran oo kale xaga xuriyadda, waxaa masuul
ka ah mudada uu xiran yahay garsoorka.
Civil
part- waa ruux uu saameyey gef dhacay kaasoo doonaayo tilaabo madani ah si uu
magdhow u ehelo, tilaabada madanigaa waxay koobaysaa xaquuqda inuu magdhow u
helo qasaarihii sida ku xusan qodobka 158
pc, qodobkaan waa qodob ciqaabeed laakiin sidii procedure ayuu u
shaqaynayaa waayo wuxu ka hadlayaa magdhow wuxuuna leeyahay “gefkasta wuxuu ku
qasbaa qofka gefka galay inuu magdhawo” marka xukunka ciqaabta la rido ayuu
oran karaa hala ii raaciyo madaniga ama magdhowga sida uu qano qodobka 130 ppc,
hadii kale dacwo kale oo madani ah ayuu furanayaa isagoo keenaayo kiiskii
ciqaabta xukunkiisii cadeyn ahaan oo uu ku cadeynayo in gefka isagu geystay
falkana uu masuul ka yahay.
Gefkasta
oo uu ka dhalanaayo qasaaro maadi ah ama aysan ka dhalaneyn (macnawi ama
qalbigiisa wax u dhimi karo) waxay ku qasbaysaa qofka xukunka lagu qaaday inuu
celiyo magtii. dadka waa inay ka jawaabaan sida uu qabo xeerka madani falkaas
si (indirect responsible) ah ninka gefka galay toos ayaa loo qaadanayaa dhinaca
kalana xiriirka ka dhaxeeyo ayaa la fiirinaya (xiriir waalidnimo ama shaqo iwm)
sidaas ayuuna masuuliyad ku yeelanayaa. See
art. 10-162 cc. (hadii aad rabo inaa sifiican u fahanto).
Sida aan
ka arki karno art 158 ppc, ayaa wuxuu leeyhay qofkasta oo geysto gef dembi ah
waxa uu masuul ka yahay madanigii ka dhasho waxaana meeshaas ka imaanaayo
(civil action) waxa uuna ka imanayaa falkaas gurucan ee uu sameeyey
eedaysanaha.
Dadka la
mid ka ah dhibanaha (injury party) waa dadka aan xaqa u lahayn danta la
difaacaayey ciqaab ahaan, laakiin si lamid ah xaq ayuu u leehaya inuu qaado
tilaabo uu ku dhaqaajinaayo xaquuqdiisa waxa uuna leeyahay awoodii qofka
(injury party)-ga ah oo uu dhibku ka soo gaaray gefkaas.
Waxay
quseysaa dadka uusan si toos ah u dhibku ugu dhicin, laakiin waxayna ku
suganyihiin xaalad gaar ah oo ka dhigaayo xaquuq dad leh marka loo eego dadka
dhibku gaaray oo awooda ay leeyihiin dadka dhibku gaaray oo kale xaalado
siinayo ayey ku suganyihiin.
Waxaa ka
hadlaayo kaliya qodobka 130 ppc,
waxaana waye qofka dhibka loo geystay qofka kusoo xigo qaraabo ahaan [tusaale
nin shil ku dhintay ilmihiisa] waayo iyaga si toos ah uma saameyn, laakiin
Aabahood ayaa dhintay oo waa dhacdo xanuun badan, waxayna ku tusunaysa in uusan
iyaga sitoos ah usaameyn dhibka dhacay, balse waxa ay lamid yihiin kuwa uu si
toos ah u saameeyey gefka dhacay.
Tusaalaha
kaliya ee ku xusan penal code waa (14/2)
oo ah ninka ugu soo xigo qaraabo ahaan ayuu saameynahaa gefku si dadban.
Maadaama uu dhibaato u geystay gefkaasi oo qatar galiyey hantidoodii waxay
yeelanayaan awood (civil part)
Maxay kala yihiin civil part iyo injury party
Injury party- waa qofka uu si toos ah ugu
dhacay gefka dhibaataduna ugu dhacaday
Civil part- waa dadka qaraabada dhow la ah
qofka ay dhibtu ku dhacday (sida caruurta ninka ay ku dhacday dhibku ama xaas
ama walaalkiis ama waalidkiisa)
Form the
unlawful action of the offender
(Tilaabooyinka
sharci darrada ah ee uu sameeyo eedaysanaha)
Dadka la
midka ah injury party waa dadka aanan ku magacawneyn xaquuqda la difaacaayo
ciqaab ahaan, laakiin isla markaana xaq leh sida uu sharcigu qabo kuwaas oo
qaadaayo tilaabooyin ay ku xaqiijinaayaan xaquuqdiisa, waxa uuna leeyahay
awooda qofka uu dhibku si toos ah u gaaray oo kale (injury party).
Tusaalaha
kaliya ee ku xusan penal code Art. (14/2)
waa qofka xigo qaraabo ahaan oo uu dhibku soo gaaray marka laga imaado (injury
party) sida ilamaha uu dhalay marxuunka ama xaaskiisa ama walaalihiis. Maadaama
uu dhibaato u geystay gefkaasi oo qatar galiyey hantidoodii waxay yeelanayaan
awood (civil part).

0 Comments